WAJAALE NEWS

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.Q”2AAD

Hargaysa(wajaalenews) Hadaba Akhriste Inagoo halkii kasii wadi doona Barnaamijkeenii  ee ynu ka Faaloonaynay,Daaha Uga Faydanaynay Hawlaha Shaqo,Shaqaale Iyo Maamul xumo ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Tan iyo Mudadii uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale jogay Waxaa la sheegay inuu Qoyskiisa U rartay Magaalada Nairobi,Isagoo halkaasi ka iibsaday Guryo Qaali ah oo aanay Somaliland khsanadeedu qaadi Karin,iyadoo wax laga naxo lagu tilmaami karo in Masuulka Sheeganaya wasiirka Maaliyadu Iibsaday Gaadhi qiimihiisu kor u dhaafayo 64 kun oo doolarka maraynkanka ah kaasi oo aan lahayn lambarka dowlada GT Lacagtaasina tahay mid ka baxday Khsnada dowlada Danyartii dalkuna cashuurtii laga qaaday aanay Waxba loogu qaban Iyadoo mujaahidiintii dalkuna gidaraada fadhiyaan kuwasi oo naf,muruq iyo maalba ay u soo galeen iyagoo aan ilaa iyo hada haysan iska daa wax kale gaadhi Curyaan,Taasi bedelkeedaa waxaa kaga fadhiistay wasiirka oo wata gaadhi Remote Lagu Hagayo,oo naafada iyo Mujaahidiinta Dalka Hadii loo sarifo u goynaya Ku dhawaad 3000 Gaadhi Curyaan.

Sidoo kale Waxaanu helnay Macluumaadyo fara badan iyo Dhukumantiyo  kuwaasi oo cadaynaya lacago la yareeyay Ama tacrifad la yareeyay inagoo hadana soo qaadan doona maalinba qayb waxaana jiraa shaqaale hoosaad dulman oo kala ah una kala qaybsamaya Washman,Nadiifiso Iyo Darawaliin kuwaasi oo aan haba yaraatee ilaa mudo sanad ah qaadan isla markaana u xaadirin wax mushaxar,iyagoo ilaaliya habeen kasta Lacago khasnado ku jira oo gaadhay 30.0000.0000(sodon milyan ama ka badan ) taasi oo ay hadana ka mushaxar la yihiin.

Taasi waxaa ay ku tusaysaa Muluqmaaluqa,isdaba wareega iyo Maamulxaumada dul hoganaysa Wasaarada maaliyada Tan iyo Intii Sh Mukhtaar Kursiga Soo Jilbajoogsaday isagoo aan haba yaraatee waxba ka war hayn halka uu kaga Foogan Yahay Kaambayn uu kursiga Gudoomiyenimo ee xisbiga kulmiye,Dhismayaasha guryo u Gaar ah iyo Sharar uu ku yeesho Shirkado ganacsi.

Waxaa kale oo wax laga naxao ku tilmaami karaa mushaharka shaqaalaha joogtada ah kuwaasi oo laga jaro lacago loogu yeedhay (Habsan) taasi oo maalintii Qof kasta laga jaro Celcelis  ahaan marka la isku geeyo noqonaysa 50 Kun Ilaa 60 Kun Sh.SL. taasi oo loo samaystay Acount Gaar Ah waxaana ay bilaaban tahay Mudadii samaale Yimid Balse Meelna Kagama Jirto Sharciga shaqaalaha oo ah Civil Server Law No.07/96 Dhanka kale Dulmigaas ilaa iyo hada Gudoomiyaha Hayada Shaqaalhuhu Kama uusan war Hayo.

Lacagtaasi oo dhan (300.000.000 Ilaa 400.000.000 Milyan SL.SHILING) Ayaa hadaba Sida la wada ogyahay waxaa Loogu talagalay in lagu kala qobqobo Laguna kala Jejebiyo xisbiga Kulmiye,Samaysashada iyo iibsashada gaadiid Qaali Ah,Guryo Laga Samaysto Nairobi iyo Dugsiyo Gaar ah oo uu qayb ku leeyahay wasiirka Maaliyada Sh Mukhtaar

Markii ay si walba ugu takrifalee Bajadka Maaliyada oo gaadhaya 49.67 Bilyan  oo aanay 1% ka gelin Hayadaha dakhli soo saar sida Kastamka Iyo Cashuuraha Beriga iyo weliba Xisaabaadka kuwaasi oo aan iyana wax dabagal ah ku samayn Takrifalka ay Kooxda SAMAALE GROUP ku Takrifalayso hantida wasaarada maaliyada

Waxaa waaxyaha Qaarkood ee wasaarada maaliyada Somaliland ka muuqda dayac fara badan sida Gaadiidka,Xafiisyada Goobaha dakhli soo saar ee dalka kuwaasi oo hadii gaadhi ga u yar baytari u fadhiisto ayaan dan laga gelin iyadoo qaadata Bilo amase waxaba gaadhigaas dhan loo  xaraasho Baytari yar Oo qiimihisu ka yaryahay 40 Dolar.

Ugu Danbayntii wasiir samaale ama sh Mukhtar waxaa u Cad Kursi Nin kale ku fadhiyo isagoo ilaa iyo inta uu ka godgalayo u suxulduuban yahay isagoo u isticmaalaya Hantida Umada Iyo Shaqaale Weyanaha Somaliland Ka Qatan yihiin,

Sh Mukhtar Cidi Kama Daba Hadasho,Lalama Xisaabtamo Isna Ma Xisaabtamo Waxaana ay u egtahay Mashruucisani Aanay Smaaynin Madaxweyne Iskaba daaye Ku xigeenkiisa Sababtoo ah waxaa la arkay oo aanu soo bandhigi doonaa Tacrifado Ay  Baas gareeyeen Barlamanka Somaliland kuwaasi oo uu Sh Mukhtar Keligiis Go’aan ka gaadhay Siduu doonayayna ka yeelay.

17 Wasiir  Ayaa soo Maray Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudo hada Laga joogo 23 Sano uuna ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo) Ma Aysan dhicin Eexda,Dulmiga,Ku Takrifalka,Tacadiga,Qaraabokiilka,Sharcijebinta,Awood Sheegashada,Cunsuriyada.Qorista Shaqaale Huwan Shaadhka Beelaysan kana soo jeeda Reer Gaar Ah Iyo……………LASOCO

XIGASHO XOGOGAAL

 

 

Exit mobile version