Kismaayo(Wajaale News):-shirka isgaarsinta Hormuud Telcome soomaliya ayaa maanta fasaxday adeegyadii gobalada jubbooyinka kadib wada hadal dhex maray iyaga iyo kooxda Al-shabaab.
mudo lix Casho ah ayaa isgaarsinta gobalada Jubbooyinka ay maqnayd kadib markii uu amar kasoo baxay Kooxda Al-shabaab,sida ay wararka ku helayso warbaahinta.
Dhinaca kale shirkada ayaa joojisay isla maanta adeega internetka Mobilka gobalada koonfureed,iyadoo sido kale isla gobalada jubbooyinka adeega Internet Mobilka uu ka maqanyahay.
mudadii lixda bari ahayd ee ay isgaarsinta gobalada jubbooyinka maqnayd aya waxay saamayn xoogan ku yeelatay bulshada kunool gobalada jubbooyinka,iyadoo ay kaga xayirnayeen Adeega EVC da Lacago Badan.
Al-shabaab ayaa hore usoo saartay digniino ku toosan isticmaalka adeega Internet Mobilka ,taas oo ay ku shegeen in lagu baahiyo sirta Al-shabaab,iyadoo dowlada soomaliya arintaas ay ka hadashay kuna sheegtay mid lagu cadaadinayo shacabka somaliyeed.
qaar kamid ah shacabka gobalada jubbooyinka sida kismaayo ayaa shegay in aay aad usoo dhaweynayaan in laga qaado xayiraada dhinaca isgaarsinta ,waxayna shacabku shegeen dhowrkii maalmood oo ay isgaarsinta ka Go,neeyd in aad uga wal walsanayeen waxa dhici doona.
Hargeysa(Wajaale News):-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay saaka horkeentay maxkamadda Gobolka Hargeysa C/laahi Maxamed Axmed (Carabay) oo lagu eedaynayo inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.
Fadhigii ugu horeeyey ee saaka ay Xeer ilaalintu horkeentay carabay maxkamadda waxaanay ku Eedaysay in uu Al-shabaab ka tirsan yahay isla markaana ku eedaysan yahay Argagixiso.
Carabay oo ay Maxkamaddu weydiisay Eeda loo jeediyey in uu qabo iyo in kale ayaa sheegay in uu Al-shabaab ku biiray 2009-kii balse waxa uu sheegay in uu ka baxay 2010-kii.
C/laahi Carabay waxa uu ku dooday in uu sadex sano ku sugnaa magaaladda Muqdisho oo ku noolaa, markii uu ka yimid na muddo shan bilood laga joogo uu ku sugnaa deegaankna Xidh xidh ee lagu soo qabtay.
Fadhigii Maxkamadda ayaa la xidhay kadib markii ay dhagaysatay Eeda Xeer ilaalilnta iyo Difaaca C/laahi Caaray.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada soo bandhigin nin kale oo ay ku Eedaynayso Al-shabaab, kaasoo ay maalin dhaweyd ka qabatay gudaha Laascaanood isagoo gaadhi ku dhex wata.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane