WAJAALE NEWS

Waddanka Kenya laba nin oo baliis ah maxkamadi ku eedeysay in ay ku lug lahaayeen afduubka laba sargaal oo ka tirsan jabhadda ONLF.

NARIOBI WAJAALENEWS Labada nin ee ka tirsan booliska ayaa waxa lagu soo dacweeyey in ay Nairobi ka afduubeen Ali Ahmed Hussein iyo Sulub Abdi Ahmed oo ay geeyeen magaalada Moyale ee dhinaca dalka Itoobiya.

Waxayna ahayd markii labaad oo ay maxkamadu soo qaado dacwadooda waxaana midkiiba lagu sii daayey dhaamad dhan laba milyan oo shilinka kenya oo u dhiganta ku dhowaad 24 kun oo doolar.

Afduubka ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay hutel ku yaala magaalada Nairobi 26-kii bishii hore ee January, waxaana lagu eedeeyey sarakiishan in labada nin ay baabuur ku kaxeeyeen kaddibna ay ku wareejiyeen saraakiisha Itoobiya.

Labada nin ee la afduubay oo kala ah Ali Ahmed Hussein iyo Sulub Abdi Ahmed ayaa waxay ahaayeen saraakiil sare oo katirsan ONLF waxaana la sheegay in ay u joogeen Nairobi si ay uga qeyb qaataan wadahadalada u dhaxeeyey Itoobiya iyo Ururka ONLF.

Mid ka mid ah dhaxdhxaadiyaasha ayaa BBC-da u sheegay in qorshuhu uu ahaa in wadahadalada oo la isku mari waayey 2012-kii, lagu waday in ay dib uga bilawdaan Nairobi dhowaan.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version