WAJAALE NEWS

Tirada Bangiyada Reer Yurub Ee Joojinaya Wada Shaqayntii Bangiyada Israel Oo Si Wayn U Kordhaysa

By: Faysal M. Xasan

Tirada bangiyada qaadacaya wada shaqayntii ay la lahaayeen, baananka dalka Israel ee waddamada reer Yurub, ayaa sii kordhayay wakhtiyadii u danbeeyay, kuwaas oo ka cadhaysan siyaasada degaamaynta dadka Yuhuuda ah ay dawlada Isreal ugu samaynayso, gaar ahaan dhulka Falastiiniyiinta ee daanta galbeed.

Sida ay ku warantay jariirada Haaretz ee Israel ka soo baxda, cadadkeedi February 2, 2014, soo baxay, sadex bangi oo cusub ayaa ku biiray, tiradii hore ee Baananka reer Yurub ee joojiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen, bangiga dhexe ee Israel iyo Bangiyada kale ee dalkaas.

Labada bangi ee ugu waaweyn dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sadex ka mid ah bangiyada Israel wada shaqayntii ay la lahaayeen joojiyay, sida jariiradu sheegtay Bangiyada (Norda) ee dalka Sweden Iyo Baanka (Denska Bank), ayaa joojiyay wada shaqayntii labadaas baan ay la lahaayeen bangiyada (Mizrahi-Tafbot), (Boualem) iyo (Leumi), oo laga leeyahay dalka Israel.

Bangiyada Reer Yurub ayaa talaadan ay ka qaateen bangiyada Israel ku tilmaamay, mid ay ugu cuna qabataynayaan, bangiyadaas oo xidhiidh la leh, siyaasada degaamaynta Yuhuuda ee dawlada Israel ka wado dhulka reer Falastiin, taas oo bangiyadan Israel laga leeyahay ka qayb qaadanayeen, sharciyada ka jira qaarada Yurubna ka soo hor jeedaan in xidhiidh lala yeesho nidaamyada xooga ku degaamaynaya dad aanu dhulka u dhalan ama meelaha ay xooga ku haystaan.

Jariirada ayaa halistii ugu waynayd ee soo waajahda dalka Israel ku tilmaantay qaadacadan bangiyada, hay’adaha iyo shirkadaha reer Yurub, ku cuna qabataynayaan Israel, waxaanay jariiradu xustay in marka laga qiyaas qaato, ururada, shirkadaha iyo bangiyada go’aankan qaatay oo liiskooda ay soo taxday, maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayaan, meel xuna ugu danbaynta dalkaas dhigi doonaan.

Waxa ay jariiradu ku talisay in deg deg Israel uga hawl gasho sidii qaadacadan sii kordhaysa oo durba natiijadeedi la dareemi karo, ka hor intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin, jariiradu waxa ay walaaceeda ku salaysay tirada ururada, shirkadaha iyo bangiyada xayiraada ku soo rogay Israel oo boqolaal durba kor u dhaafaya in ugu danbaynta ay go’doomin caalami ah galin doonaan dalkaas, kaas oo khasab ka dhigi doona in la joojiyo degaamaynta Yuhuuda ee dhulka Falastiin, markaa aan lagu daalin wax gaba gabadada ku dhamaan doona in dib looga noqdo.

Exit mobile version