WAJAALE NEWS

Suldaanka Guud Ee Beelaha Bahabar Muuse M.Case Oo Si Weyn Loogu Caleemo Saaray Degmada Lughaya

LUGHAYA WAJAALENEWS Munaasibad balaa dhan oo lagu caleemasaarayey Suldaan ka Guud ee Beelaha Bahahabar Muuse ayaa lagu soo gaba gabee yey magaalada LUGHAYA, halkaasi oo mudo afartan maal mood ah ay ku shirayeen haldoorka beeshaasi .
Munaasibadan ayaa waxa ka qayb galay xubno ka tirsan golaha xukuumada Somaliland, sida wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo cilmibaadhista iyo tecnologiga , Maayerada degmooyinka .Salaadiinta Dhaqanka ee gobolada Awdal iyo Salal,  ,Dadwayne aad u farabadan ayaa eaxa ay ku bilaabmatay jawi ka duwan qaabka ay salaadiinta oogada loo caleemo saaro taasi oo ahay in biyaha bada caga lo galiyay Suldaanka ka dib na gorof caano ah lagu siiyay halkaasi  loona dhiibay  xabad kaluun ah oo bada laga soosaaray markaasi.

Maayerka degmada Lughaya ee martida loo yahay maayer Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood ayaa ugu horay halkaasi hadlo soo dhawan ah ka jeediyay oo uu uga mahad celinayo martisharafta ka soo qaby gashay caleemo saarka Suldaanklka ,
Gudoomiyaha gudida qaban qaabada caleemasaarka suldaanka , mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdala Baytary waxaanu ka sheekeeyey habkii ay u bilaabeen hawsha caleemasaarka iyo maerxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen mudadii ay hawshaasi wadeen , Waaxaanu tilmaamay in munaasibadani ay tahay laba qaybood kuwaasi oo kala ah , xidhitaankii shikii dhaqanka beesha Bahabar Muuse iyo caleemasaarka Suldaanka guud ee beelaha Bahabar Muuse Suldaan Abshir Maxamed Ducaale.
Kadib waxa halkaasi kahadlay, xidhibaan Cabdi Maxamuud Gaagaale oo isaga gaar ahaan laga soo doorto Lughaya , waxaanu sheegay in uu aaad ugu faraxsanyahay shirwaynaha beesha ee sida wanaagsan u soo gabagaboobay iyo caleemo saarka suldaankooda.
Profesor Sulaymaan Axmed Guuled gudoomiyaha Jaamacada Camuud oo ka mid ahaa matisharafta ayaa isaguna hadal dhiiri galin ah u soo jeediyay beesha Lughaya, iyo guud ahaanba dadka reer Somaliland si ay uga sheqeeyaan horumarka iyo nabada , waxaanu intaasi raaciyay in madashan caleemasaarka suldaanku ay koobsatay dhamaan shuruudihii dhaqanka uu lahaa , islamarkaasina la rajaynayo in uu suldaanka ilaahay u fududeeyo masuuliyada wayn ee dhaqanka ee Lasaaray.
Waxa kale oo madashaasi ka hadlay dhamaan Salaadiinta gobolada galbeedka soomaaliland ee ay horkacayeen Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ah suldaanka guud ee beelaha Maxamed Case
Gabagabadii iyo gunaanad kii xafladaasi ayaa waxa hadal kooban ka jeediyey halkaasi wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo cilmibaadhista iyo tecknolojiyada Somaliland mudane Aadan Axmed Warsame , waxaaanu sheegay in xukyuumadu ay taageerayso isla markaasina ay dhiiri galinayso arimaha dhaqanka iyo nabad galyada.
Sikastaba ha ahaatee hawshan caleemasaarka suldaanka beesha Lughaya ayaa waxa uu aad uga gadisnaa habka ay bulshada soomalida oogadu u caleemo saaraan suldaanada taasi oo inta badan lagu sooryeeyo cuntooyinka beeraha , halka suldaankani caanaha loogu lishay xeeliga bada cas isla markaasina xabad kaluun ah oo markaasi bada laga soo saaray oo nool loogu dhiibay halkaasi , taasi oo noqotay arin ay aad ula dhaceen dadkii caleemo saarkaasi ka qayb galay.

WAJAALENEWS DESK

BORAMA OFFICE

Exit mobile version