WAJAALE NEWS

Siyaasi Mahad-Naaq Balaadhan Uu Jeediye Madaxweynaha Dalka Djibouti iyo Marwaaddiisa

HARGEISA(WAJAALENEWS);Af-hayeenki hore ururkii Xaaqsoor kana mid ah xubnaha shirkii hoodaalle ee degaanka hawdka-badhataamaha iyo Waqoyi galbeedka gobolka maroodi jeex siyaasi Rashid Jamac Dheeri,

 ayaa mahad naaq balaadhan uu direy madaxweynaha dalka Djibouti Mr. Ismail Cumar Geelle iyo marwaadiisa marwo Khadra Maxamuud Xayd caawimaadda ay haad iyo jeer kaalimoyinka uu soo diraan dalka.

Waxa kalo uu mahaad naaq balaadhan uu direyaa ganacsattadda ka dalka Djibouti ay ka mid yihine Mulkilaaha Somcable iyo guud ahaan shirkadda MSG Mr. Maxamed aw Sicid iyo mulkilaha shirkadda Milgo Cola Mr. Axmed Cusman Geelle, muwaanoyinka uu fidiyaan marwalbaa ka qayb qataan dibudhiska iyo horumaarinta dalka oo dhan, ay kow ka tahay wadoyinka Somaliland sida wadadda Ceerigaabo, Salaaxley, Dawga Cad iyo Baligubadle oo kaalin weyne ka qateen dib u dhiskooda.

 

Siyaasi Rashid jamac dheeri oo ka mid ah siyaasiiyinta dalka Somaliland isla markaana ahaa afhayeenkii hore ee ururkii hadhay ee Xaaqsoor, ayaa mahaad naaq baaladhaan usoo jeediyay Marwada Madaxweynaha Djibouti Khadra Maxamuud Xayd ka dib markii ay dhawaan gobolka Gabiley soo gaadhsiisay deeqyiin kala duwan oo iskugu jirta raashin iyo weliba dhisme dhakhtar oo anay ahayn deeqoyinka ugu horeyaa ay marwaddu usoo dirto dalka iyo deggankaa.

“Waxaan halkan uga mahad naqayaa marwada madaxwaynaha Djibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, deeqdii wanaagsanayd ee ay soo gaadhsiisay dadka baahan ee walaaleheed ee reer Kalabaydh. Waxaan uga mahad celinayaa raashinkii ay soo gaadhsiisay dadka deegaanka Kalabaydh oo ay ku dhalatay. Waxaa kale oo taariikhda u gali doonta marwo Khadra Maxamuud Xayd cusbitaalka oo ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanka kalabaydh, tani oo aan ahayn deeqdii ugu horaysay ee gobolka kusoo deeqdo. Waxaan kaloo taariikhda gobolka baah dahab ah noogu qoran madaxwaynaha dalka Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo runtii kaalin laxaadka lahayd ee uu kasoo qaatay dhismaha Jaamacada Gabiley iyo Cusbitaalka Guud ee Gabiley.” Sidana waxa hadalkiisa ku gebogabeyee siyaasi Rashid Jamac Dheeri.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version