WAJAALE NEWS

Muslimiinta CAR oo “la gumaadayo”kuna kaliftay inay dalka ka baxaan;

WAJAALENEWS Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in weeraro ay geysteen maleeshiyaad Kiristaan ah, ay ku qasabtay Muslimiin badan in ay ka baxaan waddaanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ciidamada ka socda waddaanka Faransiiska ee waddaankaasi ku sugan, ay ku guul dareysteen wax ka qabashada dilalka loo geysanayo Muslimiinta dalka

Wasiirka difaaca ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa gaaray caasimada Bangui, si uu xaallada u qiimeeyo.

Tallaadadii, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa ka digay in waddaanka uu qarka u saaran yahay in uu u kala go’ Muslimiin iyo Kiristaan.

Hay’addaha gar gaarka ayaa ka digaya cunno yari ka taagan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP waxa ay dalkaasi ka bilowday cunno qeybin.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay in cunnada ay dalkaasi gaarsiiyeen ay ku filantahay oo keliyah 150,000 oo qof, halka dadka cunnada u baahanna ay tiro ahaan gaarayaan 1.25 milyan oo qof.

WAJAALENEWS DESK

EMail;wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version