WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo kulan la Qaatay Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Gudidii Dhexdhexaadin Wakiilada

HARGEISA(WAJAALENEWS) ;Waxa maanta la soo afjaray hadal hayntii golaha wakiilada ee maalmahanba la isla dhex maraayey taasi oo ku soo gebegabawday guul iyo Isfahan ay wada gaadheen garabyadii isku hayey mooshinada, iyada oo door muhiimana ay ka qaateen Golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland.

 

Kulankaasi ka dibna waxa ay dhinacyadii isku diidanaa Mooshinada ee u kala baxay labada garab iyo Xubno ka mid ah guurtida oo ay hogaaminayaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo Labada Gudoomiye ku xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf ay go’aankaasi ka dib u soo kicitimeen Qasriga Madaxtooyada iyaga oo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland la socodsiiyey go’aamadii lagu heshiiyey laguna soo afgaray  khilaafkii u dhexeeyey  ee ay isku hayeen labada garab ee Wakiiladu.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo kulankaasi kadib waxa uu soo dhaweeyey go’aanka la isla qaatay waxaanu sheegay inuu ka madaxweyne ahaan soo dhawaynaayo wax walba oo ay meel isla dhigeen Labada golle, ka madaxweyne ahaana uu diyaar marwalba u yahay wixii danta ummadda iyo ta Qarankuba ay ku jirto, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay go’aanka qiimaha badan ee ay ku soo afjareen golaha guurtidu hawshaasi.

 

Qodobada ay Guurtida iyo wakiiladu isla qaatay ayaa waxay ahaayeen.

 

1.     In Saddexda Gudoomiye la isugu keeno 42 Cod.

2.     In iyaga oo shaqadooda gaba-maahee in aanay meesha iman wax mooshin ah oo lagu ridaayo sadexdooda midna.

3.     In Goluhu fasax ahaado inta ka dhiman fasixii ay ku jireen ee la isla qaatay

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version