WAJAALE NEWS

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Wejiga Labaad Ee Dhabbaha Diyaaradaha Madaarka Hargeysa.

HARGEISA WAJAALENEWS Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee dhismaha Dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ama soo fadhiistaan ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.

Wasiirrada Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Hawlaha guud, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadam iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Kuwait Fund oo mashruucan maamulaysa, ayaa ka qayb-galay Munaasibadda uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Saylici uu ku dhagax dhigay wejiga labaad ee dhismaha dhabaha diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Kormeer Madaxwayne ku xigeenka iyo Wasiirradu ku mareen qaybaha Madaarka Hargeysa ka kooban oo qaarkood hawlo ka socdaan, meelaha qaarkoodna loo diyaariyey in la baadhiyo, ka dib, ayaa waxa saxaafadda u faahfaahiyey dhagaxa dhigga wejiga labaad ee dhismaha dhabbaha madaarka, Wasiirka Wasaaradda duulista iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu yidhi “Waxa Mahad leh ILAAHAY oo inoo fududeeyay Mashruucan aynu maanta dhagax dhignay, waxa kale oo mahad leh dawladda Kuwait, boqorka Kuwait, oo ah dad walaalaheen ah oo arkay tabaalada iyo dhibaatada aynu qabno, oo nagu caawiyey qaran ahaan mashruucan, iyagoo arkay mashaariicdii hore sida ay wax u tareen, kuna qanceen sida looga faa’iday, sida wanaagsan ee loo fuliyey, Mashruucan cusub ee uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland maanta dhagax dhigay waxa uu ka kooban yahay 1,410Mt, oo aynu ku darayno Dhabihii hore oo ka koobnaa 2,466Mt, ee la dhisay 1958-kii, oo aynu ku samaynay adkayn, markaa mashruucani waa 1,410Mt oo dharar ah, 45Mt oo Balaca, mashruucani wuu ka hawl badan yahay mashruucii hore, waayo mashruucii hore aasaaska dhabihii hore ee Ingiriisku wixii burburay ee dhagaxa iyo sibidhka ahaa ee burburay dib-baa loo kabay, laba lakabna waala saaray, laakiin kan aasaas cusub-baa loo samaynayaa, laba lakabna waa loo samaynayaa sida kii hore”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Mashruuca waxa wasaaradda duulista iyo hay’adda Kuwait Fund ay ugu talo-galeen inuu socdo lix bilood oo ka bilaabmaya 1-ka bisha saddexaad, waana inuu dhamaado August ee Sideedaad dhamaadkeeda” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Mashruucan waxa loo maamulayaa sidii hore oo hay’adda Kuwait Fund ayaa lacagta gacanta ku haysa, haddii dad badan moodayey in lacag lanoo dhiibo, annaga lacag lanooma dhiibo, xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici-na dunida lacag ma waydiisano, dunida waxaanu waydiisanaa in wax lanoo qabto, mashaariic qorshaysan oo qaabaysay ayaanu ula tagnaa, markaa cidda qandaraaska heshay iyo cidda lacagta haysa cidna uma dhaxayso. Sidaasina waa sida dunida kalsooni galisay ee dunidu Mashaariic badan inagula shaqeyso, markaa waxaan rejaynayaa in mashruucani wax weyn ka bedali doono qaranka, garoonkani intii aanay xukuumaddani talada haaneedin derajadiisu waxay ahayd 2, maantana waxa uu marayaa 7 (Cabirka heerka Madaarada), haddii aynu dhamayno (Wejiga labaad run-way-ga) wuxuu noqonayaa derajada 10-aad”

Wasiirka duulistu wuxuu sheegay in madaarka Hargeysa loo soo iibinayo gaadiid Dab-damis ah “Meesha kaliya ee Madaarkeenu ka hooseeyaa waa dab-damista, xukuumadduna waxay ku talo jirtaa inay kor u soo qaadno Dab-damiska, waxaanu wadnaa mudada xagaaga ka horeysa inaanu baabuur Dab-damisyo ah oo fiican keeno, inaanu kordhino Terminaalada, markaas ayuu noqonayaa garoon weyn oo caalamiya oo la tartamaya kuwa Geeska Afrika, xukuumadduna waxay doonaysaa inay Madaarka Caasimadda ee Cigaal ku dhereriso kuwo kale, waxaanu ka qayb-qaadanayaa inuu soo jiito Maalgashadayaasha iyo dalxiisa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xukuumaddani dhagax been ah meel ma dhigto oo bulshada caafimaadka qabta ayaa nooga markhaatiya, waxaanu dhigno waanu fulinaa, af-miishaarada dacaayadaha ka adag, waxaanu leenahay kuwii aanu dhignayna waanu dhisnay, kuwa aanu maanta dhignayna waanu dhisaynaa, hadday iyagu qoraxda muuqatada dafirayaan waa meesheeda, oo annagu indho u samayn mayno ee ILAAHAY ha soo hadeeyo”
Shirka jaraa’id ee lagu faahfaahiyey wejiga labaad ee dhismaha dhabbaha Madaarka Hargeysa oo uu ka hadlay Sarkaal ka socday hay’adda Kuwait Fund, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi “Anniga iyo Madaxwaynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa farxad noo ah inaanu maanta dhagax dhignay wejigii labaad ee dhismaha Madaarka Cigaal, oo aanu muddo ku hamiyeynay inay madaarkani noqdo mid caalamiya oo u dhigna Magaca halyeygii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee uu Magaciisa wato, noqdana madaar u dhigma ama la tartama madaarka Geeska Afrika”
Madaxwayne ku xigeenku, waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socoteen waxa inoo soo dhamaaday intii aynu hore u haysanay oo ahayd 2,466Mt oo dib loo casriyeeyay, lacagtaasi oo ahayd tii koowaad ee ay inoogu deeqeen walaalaheena Kuwait, markaa markii ay ku qanceen sidii loo maamulay lacagtaasi hore, ayaa waxay inoogu deeqeen qayb labaad oo lacag si loo dhamaystiro inta hadhsan oo ah 1,410Mt ee aynu maanta dhagax dhignay, waxaanuna ku rejo-weynahay inay sidii hore si ka dhaqso badan u qabsoomi doono, iyadoo ay taalo warshaddii isku laaqayay jayga iyo daamurka, markaa indhaha caafimaadka qabaa waxay arkayaan isbedalka ku yimid madaarada iyo guud ahaan dalka, waxaanan leeyahay dalkani in dib loo dhiso ayuu u dhaqaaqay, Gaalladuna waxay ku maahmaahdaa SAFARKU WUU DHAQAAQAY, EYDUNA ISKA CIDO”ayuu yidhi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFIE

EMAIL;wajalenews@gmail.com.

Exit mobile version