WAJAALE NEWS

Maayir Ku-xigeenka Magaalada Burco Oo Ka Waramay Waxqabadka Golaha Deegaanka Ee Burco.

maayir ku xigeenka burco.Burco-(Wajaale  News)-Maayir Ku-xigeenka Magaalada Burco Mudane Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) ayaa ka waramay waxqabadka Golaha Deegaanka ee Burco, isagoo maanta waraysi kooban warbaahinta ku siiyay xafiiskiisa ayaa waxa u kaga waramay xaalada guud ee Gobolka iyo tan Degmada, isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaanu yidhi “Xaalada guud ee Gobolka iyo Degmadu waa mid aad u fiican oo nabadgalyo ah, Illahy ayaa ku mahad leh, waxaanu nahay bulsho isku xidhan haday ahaato Culimo, odayaal dhaqmeedka iyo guud ahaan bulshada qaybeheeda kala duwan”.
 Maayir Ku-xigeenak Magaalada Burco waxa uu sheegay inay horumar weyn ka sameeyeen intii ay xafiiska joogaan, waxaanu tilmaamay dhinacyada ay horumarka ka sameeyeen waxaana uu mar labaad yidhi “ horumarka aanu ku talaabsanay intii aanu joognay waxa ka mid ah Tayaynta Shaqaalaha dawlada, Soo xaraynta cashuuraha dawlada, waxa kale oo aanu kordhinay mushaharka shaqaalaha, waxaanu wax badan ka qabanay inaanu dhisnay hab-maamulka shaqaalaha”.
Maayirka ayaa sheegay inay si weyn uga shaqeeyeen bilicda, ayna hawlgaliyeen baabuur cusub oo ay ugu talo galeen sidii ay xashiishka ugu guri lahaayeen.

Mudane Xoday waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in golaha deegaanka Burco ay isku duuban yihiin isla markaana ay ka midaysan yihiin horumarka Magaalada Burco, isla markaanauu yar yahay khilaafka ka dhaca dhexdooda.

Ugu danbayntii Maayir ku-xigeenka Magaalada Burco waxa uu fariin u diray dadweynaha reer Burco oo uu ka codsaday inay soo bixiyaan Cashuurta Dawlada, ka shaqeeyaan Nabadgalyada iyo isku duubnidooda.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version