Hargeysa (WJN)- Maalinta caalamiga ah ee joojinta gudniinka hablaha oo ku beegan 6-da bisha February, ayaa laga xusay caasimadda Hargeysa, iyadoo si wayn bulshada loogaga wacyigeliyey in la joojiyo.
Munaasibad loo sameeyey xuska maalintan oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ururka ka shaqeeya joojinta gudniinka ee NAFIS iyo ururka dhallinyarada ee Y-PEER, kuwaas oo kaashanaya hay’adaha UNFPA, Actionaid iyo WAAPO, ayaa lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa caawa, taasi oo lagu soo bandhigay dhibaatooyinka kala duwan ee uu u gaysto haweenka iyo sida loogu baahan yahay in laga gudbo.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo furitaankii xafladdaasi khudbad
dheer ka jeediyey, ayaa ka warramay dhibaatooyinka kala duwan ee uu gudniinku ku keeno dumarka oo uu ku macneeyey aafo qaran oo u baahan in si degdeg ah loo joojiyo, maadaama Somaliland ka mid tahay dalalka ugu horreeya isticmaalka caadadan dhibta badan leh.Wasiir Garaad waxa uu tilmaamay in xukuumadda talada haysa ee Somaliland ay dadaal badan ugu jirto sidii loo joojin lahaa gudniinka hablaha, isagoo xusay in saddexdii sanno ee u dambeeyey ay qaadeen tallaabooyin ay ka mid yihiin; wax-ka-beddel iyo kaabis ay wasaarad ahaan ku sameeyeen siyaasadda lammaanaha oo ay ku jirto joojinta gudniinka habluhu, olole laga sameeyey joojinta gudniinka hablaha, samaynta siyaasadda iyo xeerka lagu joojinayo gudniinka.
“Waxaan guul u arkaa in bulshadu hadda u bislaatay dhibaatada gudniinka oo daraasado la qaaday ay sheegayaan in noocii gudniinka ee khatarta ah ee Fircoonigu uu aad hoos ugu dhacay, gaar ahaan magaalooyinka waawayn, laakiin daraasaduhu waxay sheegayaan in meelaha miyiga ah oo ay ku yartahay wacyigelintu wali aad ugu badan yahay isticmaalka gudniinka Fircoonigu,” ayuu yidhi Md. Garaad.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay xukuumadda ka go’an tahay cidhib-tirka caadadan, waxaannu yidhi, “Waxa xukuumadda Somaliland u qorshaysan in sannadkan 2014-ka la dhammaystiro siyaasadda iyo xeerarka lagu joojinayo gudniinka hablaha oo ah aafo qaran, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu nagu guuleeyo sidii aannu u soo afjari lahayn caadadan lagu soo dhaqmayey muddada dheer.”
Agaasimaha ururka ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada ee magacooda loo soo gaabiyo Y-PEER Mr. Maxamed Mahad Dhamac oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada ay loo qabtay xafladdan xuska maalinta joojinta gudniinka hablaha ay tahay sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa dhibaatadiisa.
“Ka dhallinyaro ahaan farriinta aannu bulshada u diraynaa waxa tahay, aabbo iyo hooyo gudniinku waxa uu dhibaato ku yahay nafaha, caafimaadka iyo weliba dhaqaalaha qoysaskeenna ee aynu joojinno gudniinka hablaha,” ayuu yidhi Mr. Dhamac.
Maxamed Cumar Xuseen oo ka socday hay’adda UNFPA, ayaa ka sheekeeyey baaxadda caadadani ku leedahay dunida oo uu sheegay inay isticmaalaan 29 dal oo u badan qaaradaha Afrika iyo Aasiya, kuwaas oo haween tiradoodu tahay 125 milyan la gudo sannad kasta, isla markaana sida ay sheegeen daraasado la sameeyey la filayo in tiradaasi ay ku korodho 86 milyan oo kale sannadka 2030-ka.
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo ka mid ah dalalka adduunka ugu faqiirsan gudniinka habluhu ka mid yahay waxyaabaha sababa dhimashadooda, gaar ahaan xilliga dhalmada dumarka u geeriyooda inuu 80% sababo gudniinka lagu sameeyo yaraantooda.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo gunnaanadkii munaasibaddaasi hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay in gudniinka habluhu yahay caado aan diinta Islaamka shaqo ku lahayn oo dhibaato mooyee faa’iido kale lahayn, isla markaana dhibaatooyinkiisa caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale ay yihiin qaar aan ka hadhin gabadha maalinta lagu sameeyo ilaa intay nooshahay.
“Waxaannu shaki ku jirin in arrintan waqti badan lala tacaalayey sidii loo joojin lahaa, laakiin wuxuu noqday mid dhego-adag oo bulshada 5% mooyee intii kale aanay qaadan. Waxaan bulshada ugu baaqayaa in la joojiyo caadadan xun. Haweenkana waxaan leeyahay ku dhiirrada oo joojiya dhibaatada gudniinku ku hayo hablaha, qoysaska iyo bulshadaba,” ayey tidhi Marwo Amaal Xaaji Miisaan.
Waxa kale oo iyaguna xafladdaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada Mr. Cabdi Cabdillaahi iyo Sacdiya Cabdi oo ka socotay hay’adda Actionaid, kuwaasi oo iyaguna faahfaahiyey dhibaatada uu leeyahay gudniinka habluhu, bulshadana ugu baaqay in la joojiyo. Waxaanna intii xafladdaasi socotay lagu soo bandhigay riwaayad ay jilayeen dhallinyarada kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee SOCSA oo ay ku soo bandhigeen dhibaatada gudniinku leeyahay iyo baahida loo qabo dabar-goyntii
WAJAALENEWS OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com