HARGEISA(Wajaalenews);Waxaa toddobaadadii ugu dambeeyay maqalka dhagaha dadka ku soo ah badanayay hadal haynta xeerka baananka aan islaamiga ahayn oo si loo ansixiyo hor yaala golaha wakiilada Somaliland .
Baananka aan islaamiga ahayn (conventional banks) waxay ku shaqeeyaan kuna faa’iidaan ribada. Hadaba waxan maqaal yaraheenan si dulxaadis ah uga hadli doonaa macnaha Ribada,qaybaheeda ,diinta islaaamta iyo mowqifka ay ka istaagtay, sababta ribada islaamka dhexdiisa loo diiday, iyo ugu dambeyn waxa ay ku kala duwan yihiin baananka islaamiga iyo kuwa aan islaamiga ahayn.
Macnaha kalmada riba luqa ahaan waa sarreyn, kormarid,dheeraad iwm.
Macnaha ribada ee shareeca ahaan waa in la isku badasho (ganacsado)laba shay kala xaddi ama tayo duwan. Aan hoos ugu daadagno oo eegno qaybaha ribada, ribadu waxa ay leedahay laba nooc oo kala ah riba al fadl iyo riba nasiah.
1.Riba al fadl waxa ay dhacdaa marka la isku badasho laba shay oo kala tayo ama xaddi duwan, tusaale ahaan waa marka 1kg oo timir wanaagsan ah lagu badasho 2kg oo timir xun ah. Waxaa sidoo kale la mid marka la isku badalayo allaabaha sida Dahabka, galleyda, timirta, milixda iwm. Iyadoo la ilaalinayo cadaaladda diinta islaamka ee suuban waxa ay ina amraysaa in la isku badasho laba shay oo isku dhigma.
2. Riba nasiah, Nooca labaad ee ribada waxaan odhan karnaa waa nooc la xidhiiidha ka faa’iidaysiga baahida deyn qaataha. Waxa ay timaadaa marka qof lacag la amaahiyo, ka dibna waqti loo qabto, haddii uu kadib dhaco waqtiga loo qabtayna loo sheego in uu lacag dheeraada(interest ) bixin doono.
Intaa marka aan kaga nimaad qeexida iyo noocyada ribada, diinta islaamku waxa ay ka istaagtay mowqif aad u adag ribada iyo la macaamilkeedaba, ilama ay wanaagsanaan in aan aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista ku soo arooray ribada in aan halkan ku qoro maadaama laga yaabo in ay dayacmaan, Aayadahaas waxay inoo sheegeen in ribadu ay tahay xaaraan, qofka ka tagi waaya ribada in uu ALLAH ogaysiiyay dagaal in uu la galayo. suuragal ma tahay in qofka u badheedhaya dagaalka xagga Allah in uu guulaysan doono? May wallaahi waa qof halaabay ooqudcur gudaya, libin dambena aan yeelanayn.
Sidoo kale waxaa u Suubbanuhu inoo sheegay in HAL DIRHAM oo riba ah oo qofku cunaa ay ka dambi badan tahay isagoo 36 jeer sinaystay!!! Subxaanalaah.
Islaamka dhexdiisa in qofka baahan haddii aan la caawinayn la amaahiyo ayaa ah mid bannaan, haddiise qofkii taajirka ahaa ee miskiinka wax amaahiyay uu doonayo lacag dulsaar ah, taa macnaheedu waa kii qaniga ahaa oo tuunbo dhiiga kaga nuugaya kii miskiinka ahaa. Dhinaca kale haddaan ka eegno waa mid ka soo horjeeda akhlaaqda islaamka marka dadka ALLAH maalka siiyay il naxariis leh ku eegi waayaan kan faqiirka ah, ee ay wax bixintoodu noqoto dulsaar intee le’eg ayaan ka helayaa lacagtan aan miskiinka amaahinayo. Islaamki waxa uu dhiiri galiyay sinaanta iyo in maalka la gaadhsiiyo muslimiinta(income distribution) iyadoo la isticamaalayo hababka sakada iyo sadaqada, kuwaas oo ah in lacag ama maalka laga qaado kan qanniga ah oo loogu deeqo faqiirka, Ribadu waa taas caksigeeda waayo, waa lacag laga qaadayo faqiirka lana siinayo nin aan ubaahnayn(taajirka).
Hadaba baananka aan islaamiga ahayn waa qaar ka faa’idaysanaya baahida dadka reer Somaliland . waa laga yaabaa in ay mashaariic ka hir galiyaan wadanka haddii ay yimaadaan, laakiin su’aashu waxay tahay, lagacta ay wataan sifo noocee ah ayaa ay ku kasbadeen. waayo isagoo gaala ayaa uu xoogisa ku shaqaysan karaa, baananka gaalada qaabka ay faa’idada ku helaan waa iyagoo lacag dad deymiya, ka dibna lacagtii iyo in dheeraada(interest) loo soo celiyo. Hadaba marka ay qoladaas wadanka yimaadaan waxa ka dhalanaya dagaal xagga Rabbi ah, fasahaad badan iyo cidhib aan la mahadin doonin.
Dambiga ugu weyn waxaa tuurta u ridan doona masuuliyiinta inoo jideyn raba iyo cid wal oo ku taageerta ribada. Saameyntuna way soo gaadhaysaa ummada oo dhan.
W/Q Maxamed Cabdi Cali Hayaan
University of Hargiesa
Faculty of economics and political science
Email:- hayaanb502hotmail.com