WAJAALE NEWS

Jilaa Somali Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee BAFTA.

London(Wajaalenews)-Barkhad Cabdi oo ah wiil jilaa ah ayaa ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu magacabo (BAFTA) oo ah abaal marin lagu qiimeeyo jilayaasha ugu fiicnaa sanadkasta tan oo kuu wiilkan somaliga ahi ku mutaystay filimka  caanka noqday ee (Captain Phillips) filimkaasi oo ahaa mid laga matalay  budhcad badeeda somalida,ee marakiibta afuuba,waxana uu  ka guulaystay jilayaasha Michael Fassbender iyo Matt Damon,oo filimkaasi wax ka jilayey.

L-r, Barkhad Abdi, Tom Hanks and Faysal Ahmed star in Columbia Pictures' "Captain Phillips

Jilaa Barkhad ayaa isagu ka mahad celiyey in loo gartay sanadkan abaalmarintan caalamig ah ee BAFTA “in ay igu aamineen doorkan ka hor intii aanan anigaba isku kalsoonaan, Meel cidla ah ayaan wax ka bilownay hadana tan ayaan haynaa”. ayuu yidhi Mr Barkhad.

Abaalmarinta BAFTA, waa abaalmarin ay sanadkasta bixiso dawladda Dalka Ingiriiska taasi oo ay sanadkasta ku abaalmariso jilayaasha iyo fanaaniinta ugu wanaagsan dunidda,waana abaalmarin heer Caalami ah,Barkhad wuxuu ahaa atooraha labaad ee filim-ka Captain Phillips oo uu jilayay jilaaga caanka ah ee Maraykanka Tom Hanks.

Abaalmarinta waxaa gacanta u galiyay  Barkhad Cabdi Emma Thompson, waxaa martigalinayay oo soo jeediyay weriyaha caanka ee BBC-da Stephan Fry

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version