HORDHAC
Waa taxane xiiso badan oo aynu ku soo bandhigi doono hadimooyinkii loo gaystay hal abuurka, waa qormooyin si isdabajooga uga warami doona taariikh mugwayn, waa daraasad aan ku sameeyay intii aan ka gaadhay (1970kii-2014ka) waxaad ka bogan doontaan, abwaanadii kala duwanaa wixii ay ka yidhahdeen, dawladii kalidii taliyihii Mohamed Siyaad Bare iyo waliba Dawladan Somaliland, Marxaladihii iyo wakhtiyadii kala duwanaa ee ay ku sugnaayeen. Waxaynu iftiimin doonaa xiligii iyo wakhtigii ay bilaabantay dhibaataynta,handadaada,cagajuglaynta iyo xadhiga loo gaysto halabuurka. Waxaynu si goos goos ah ugu soo qadan doonaa gabayadii, maansooyinkii xiisaha lahaa ee ay tiriyeen abwaanadu wakhtiyadii kala duwanaa ee ay xadhiga iyo dhibaataynta ku mutaysteen amase ay dadka iyo dalka ku difaacayeen.
Qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa laba abwaan
oo ku kala sugnaa duruufo kala duwan, Noolaana wakhti kala gadisan, Waa Abwaan Cumar Maxamed-Ciro Saryar oo ahaa abwaan reer somaliland ah oo ku noolaa magaalad berbera ala ha u naxariistee, wuxuu abwaanku ka dareen celiyay ficiladii dawladii kalidii taliyihii siyaad bare, waa wakhti dadka la cabudhiyay, waa saban shacabka baqasho dishootay, wuxuu ka mid ahaa dadkii dabarka gumaysiga iyo cabdhudinta ka jabiyay umada reer somaliland, wuxuu u huray naftiisa, isagoo si geesinimo leh dareenkiisa uga badheedhay, una khatar galiyay naftiisa, wuxuu ka mid ahaa mushamicii huriyay dhaq dhaqaaqii xornimo u dirirka SNM
Abwaanka labaad waa abwaan mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ku nool Magaalada gabiley, duruuftuu ku noolyahay abwaankani way ka duwantahay tii Ciro Saryar waa wakhti wadanka ay dimuquraadiyad curdin ahi ka hana qaaday, waa xili xoriyatul qawlku xoogaystay, waa wadan laga xoreeyay dhiigyo cabkii siyaad bare, balse nasiib daro ay xukumadan ahmed siilaanyo ku fashilantay dhawritaanka hal abuurka iyadoo xukuumadani shabahda kalidii taliyihii siyaad bare.
HADIMADII, HAL -ABUURKA ( XILIGII KACAANKA)
Tusbay filatayee haddaan abaar lagu tabaaloobin
Tamaamuur haddii aan la korin tegaya nayroobi
Tuug iyo afmiishaar haddaan tahan la waydaaran
Turxaanta iyo ceebtii haddaan taabud laga yeelin
Woqooyiba haddii aan la tirin taran waxaa jooga
Nin tacliin yaqaaniyo haddaan taajir ka idlaanin
Haddaan caydha suuqyada la tubin sida tanaag iib ah
Kolba tobanka soo hadha haddaan tuurta laga fuulin
Taladooda goortaan arkiyo tamar xumaantooda
Tagoogada haddaan lagaga jabin nimanka tuutaha leh
Tafsiirkiyo quraankii haddaan laysu wada toogan
Taallada haddaan loola bixin toodhadiyo beenta
Tuf i dhaha haddaan ina cigaal toobaad loo celinin
Abwaan Cumar Maxamed (Cirro saryar)
Gabaygan abwaanku wuxuu ka tiriyey khayriyada magaalada berbera sannadkii 1973kii wax yar ka dib markii millaterigu awoodda dalka kala wareegay dawladdii rayidka ahayd xilli musuqmaasuqa iyo qabyaaladdu heer sare marayeen. Wuxuu abwaanku gabayga ka hor tiriyey raxan wasiirro ah oo aan xilligaa dabadood la hadli jirin, taasina waxay gayeysiisay in. Dhawr sano xabsiga kasoo laaco. Dawladii Militarigu waxay cabudhisay xoriyatul qawlka, waxay dhibaataysay halabuurkii, waxay dabooshay dareenkii shacabka, Ciro saryar Xabsiga waxa u dheeraa, jidhdil, ciqaabid iyo cadaalad la’aan.
Dadku si aad ah bay u soo dhoweeyeen kacaanka iyagoo filayey in cadaaladu si dhab ah u soo noqon doonto laakiin abwaanku wuxuu si indheergaradnimo ah uga sii War bixinayaa oo u sii odorosayaa jarka iyo haadanta dalku ka lusho iyo sida aan nimanka millateriga ahí marna u keeni doonin wanaag lagu naaloodo iyo nidaam lagaga raysto dhibaatadii la soo maray.
Wuxuu hoga tusayaa in kadeedka lala kulmi doonaa keeni doono tagoogo jab iyo kohasho ama inay ka qoomamoodaan nidaamkii laga qaylinayay, sheekaduna noqon doonto Shalay dhaantay. Si gaar ah wuxuu u dul joogsanayaa in woqooyiga dalka Gooni loo bartilmaameedsan doono oo la tirtiri doono aqoonyahan iyo maal qabeenba.
HADIMADII, HAL -ABUURKA IYO XUKUUMADA MAANTA
Waxaa maanta dhigeeda ah, dhacdadii dhacday April 14 2012 Markii abwaan Mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ah abwaan reer somaliland ah kuna dhaqan Magaalada Gabiley uu tiriyay Maansooyin/gabayo uu ku dhaliilayo xukuumada Uu gadhwadeenka u yahay Ahmed Siilaanyo, Ayna ka mid ahayd Maanso la magac baxday Aarkii Cigaal. waxaa soo weeraray ciidamo police ah oo u taxaabay saldhiga dhexe ee magalada Gabiley, laba cisho ka bacdina waxa loo soo qaaday magalada hargeisa isagoo xarunta C.I.Dda ku xidhnaa mudo , bilaa maxkamad, waxa ugu danbayntii lagu riday Jeelka wayn halkaas oo uu 9 bilood ka soo laacay. Waa dhaqamadii laga dhaxlay kalidii taliyihiin Mohamed Siyaad Bare, waa astaanta kalidii taliyaha, waa talaabo lagu cabudhinayo dadwaynaha, waxay tani horseed u tahay in lawaayo cid bulshada u hadasha oo tilmaanta dhaliilaha dawlada. Hadaba Dhibaataynta, cabudhinta iyo xadhiga joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo hal abuurku waxay iftiiminaysaa in cagta la Saaray jidkii Car juuqdhaha. Hal-abuurkuna waa cid ugu horaysay ee ka dareen celisa, hadba xuman iyo wanaag wixii bulshada ku soo kordha . Maansooyinkii loo xidhay Erayadoodii waxaa ka mid ahaa:-
Aarkii Cigaal, Aas –aasihii Somaliland, Afti iyo Dastuur aad ugu dhowaa
Calan Ayni baddan Unugyoo same, Ummadana Midee ,
Aarmigii xerree, Guurtida adkee, indho dawladdeed Igisbiiriyanis Ingiriis u sheeg,
Ururana samee, Udub ugu horee, andhi buu ka dhigay (mid buu ka dhigay afxabashi).
Ucid baa ku xiggay , lama Ooyinee Odaygii Cigaal Ajalbaa ku timi,
Odaygii ku xiggay anba-qaad halkii ilaa Elakshankii muu ayaan xumayn.
Marxkuu Oommanaa Af-wanaagsanihii iska oohinjiray ,
Urur kale la yimi ,Albanada garaac, hadba Oodo jiidh,
Aflagaado baddi, Ummadii u yeedh laga daba abraar,
Ay (kayn) buu la tegey ,U Ujeedo hadal, doorashada asiib, codna lagu asqee.
Arin lagu farxiyo abda lagama arag arainkiisyoo Arbacada dabshida
Ummadii xidh-xidha Albaabada Qufula Eydana ku dira Arsaaq yaan la cunin.
Ummadiina tidhi Ayaantii horeba,hadaan Odhan lahayn Akaaniisidee ( af-xabashi maxaad noo wadaa), maanu iilaneen, aaniyo qabiil , cuqdad iyo xumaan abid kama tagtee
Axmedow maxaan kugu aaminaa Aah kama baxdee.
Maansadan, ugu danbaysa wuxuu abwaanku tilmaamayaa sida loogu hungoobay xukuumada Ahmed siilaanyo, waa maanso la magac baxday Aafo, waxana ka mid ah erayada mansada:
Aafadu siday noo heshuu ololku noo taabtay
Amadkiyo hadhuudhkii ma Baxo aawanaan jiray
Ayax bahal ka daran baa illaa oodihii cunaye
Ilihii dhaqaaluhu lahaa la iska wada awdye
Aroos loo ciyaaroo ma jiro loo Odorosaaye
Eridhabanka geel kuma dhalaan aradadeeniiye
ABWAAN HAYBE FAARAX NUUR
La soco… Qormadan Qormada Xigta