WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Ee Dalka Itoobiya Oo Kulan La Qaatay Ardayda Jaamacada Alpha Faraceeda Hargaysa.

Hargaysa(Wajaale News):-  Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Qaybteeda Itoobiya  Ayaa Xalay Kulan Balaadhan Xarunta Guud Ee Jaamacada ALPHA Kula Yeeshay Ardayda  Wax Ka Barata Jaamacada ,Kulanakani Ayaa Salka Ku Haya Sidii Ay Ardaydu Xog Waran Ula Yeelan Lahaayeen Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Qaybeeda Itoobiya Dr.Heilesesia Welde Girima.

Ugu Horeyna Waxaa Kulankani Ka Hadlay Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Qaybteeda Hargeysa Prof:Cabdiraxmaan Maxamed Maal Waxaanu U Mahadceliyey Booqashada Uu  Dr.Heilesesia Welde Girima. Ku Yimi Hargeysa.

Sidoo Kale Waxaa Isna Munaasibadani Ka Hadlay Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Qaybteeda Itoobiya Dr.Heilesesia Welde Girima Waxaanu Guddoomiyuhu Ka Mafsuuday Horurmarka Waddanka Iyo Heerka Ay Waxbarashadu Ka Marayso Somaliland.

Gaba-Gabadii Ardaydu Waxay Guddoomiye Dr.Heilesesia Welde Girima La Boobeen Su,Aalo Salka Ku Hayey Heerka  Waxbarashada Jaamacada ALPHA.

Kulankani Dhex-Maray Guddoomiyaha Jaamacada  ALPHA Qaybteeda Itoobiya Iyo Ardayda Wax Ka Barata Qaybta Hargeysa Ayaa Ku Dhamaaday Jawi Wanaagsan.

 

Hargaysa Office
Wajaale News

Email;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version