WAJAALE NEWS

Faysala Cali Waraabe oo ku hanjabay Wasiirka danbe ee Caaya in uu gacan ula tagayo, Telefishanka Qaranka haddii laga sii daayana Burburin doono.

faysal cali waraabeHargeysa(Wajaale News)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa si ba’an u weerary Xukuumadda isagoo ka cadhaysan Telefishanka Universal ee la xidhay, isagoo ku dooday halka laga xidhay in ay ahayd in laga xidho ka qaranka Somaliland oo uu ku eedeeyey in Mucaaradka laga caayo.

Faysal Cali Waraabe waxa uu Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhiga iyo Telefishanka Qarankaba ugu balanqaaday haddii mar danbe laga caayo in uu gacanta ula tagi doono, isagoo ku baaqay in lagaga dhabeeyo Heesta Xildhibaan Jaamac Riyo ee soo data.

Faysal Cali Waraabe oo ugu horayn ka hadlay dhaliilo is-barkan oo uu Xukuumadda usoo jeediyey waxa uu ku bilaabay “arintan dhacday maanta waxay markasta itusisaa aduunka qaab darada dalka ka taagan  aad iyo aad baanu ugu faraxnay inuu aduunku nala ogaado inaanu halkan hogaan jirin midba wuxuu doono samaynayo, ana waxaan hubaa arintan in hadii uu madaxweynuhu soo jeedo uu ka kici lahaa, waxay muujinaysaa in meeshan Somamaliland maamulkeedii  in cid lagala xisaab tamaa aanay jirin, waad aragtaan  wasiiradii way is haystaan, wasiiradii iyo agaasimayaashii guud baa is haysta, taliye ciidan iyo ku-xigeenkiisii baa is haysta madaxaa layskula wada jiraa, arintaas Universal waxay la mid tahay uun tii kacaanka ee ku qosle kabtan kufay, waxaana muuqda in awoodu dad aan dul qaad lahayn iyo xilkasnimo ay gacanta u gashay, hadii aan la tashan oo aan dalkan loo talin oo aan la bad baadina wax waxan ka wayn baa dhici doona, waa lays dhex yaaci qofba qofka uu ka xoog wayn yahay buu qabsan doonaa, xoolihii waad aragtoo waa la boobayaa, markaa saxaafada tan waan ka tacsiyeynayaa, mana aha wax ay umada iyo xisbiyada mucaaridka ee Somaliland ay la qabaan waa guul daradaa nagaga dhacday maanta hogaankii dalka ayey ka mid tahay dhirbaaxadaa xun ee ku dhacday Universal oo ay cabudhin kari waayeen dawladihii ka waawaynaa ee kalitaliska ahaa ayaa saxaafada maanta joojin kari waayey universal wuu shaqayn doonaa waananu daawan doonaa”,

Isagoo ka hadlayey barnaamijka lagu xidhay Telefishanka Universal waxa uu yidhi “dadka xamili kari waayey majaajilo mada-daalo ah miyuu dhaliil sax ah oo la sheegayo xamili karaa,  dalkan waxa la doonayaa oo kaliya inuu ka shaqeeyo kaa qaranka ee cayda loo furtay, inaynu mudaharaad samayno  oo ay saxaafada oo dhami samayso  anaguna aanu horkacno Tv-gaas aynu dadka ka xorayno kaas baa u baahan in laga qaado ee lix wasaaradood lacagtoodii lagu cunayo, lacagta lagu qarsado waxaan ogahay dad jiray inay ku qarsadaan oo anaga la yidhaa cayda-yada ka shaqeeya kaasaynu u baahan nahay sidii aynu iskaga xorayn lahayn, tana waxaynu leenahay dalkani ma soconayo sidaa ku socon maayo”. Ayuu tidhi Feysal

Mar uu ka hadlayey weeraro qaawan oo lagu hayo Somaliland iyo sida aanay xukuumaddu uga war hayn “waad ogtihiin maanta Caqabadaha ina horyaala waad ogtihiin waxa Puntland ka soo socda  iyo Xamar in la isku keen jeediyo oo dadka madaxa la iskugu xidho oo lacagta dalka la booboo oo la xaraasho oo yaan lagaa badsan baa lagu jiraa wax shaqynayana maaha”

“waan idinka tacsiyeynayaa arintaasi waynu  shaqaynaynaa saxaafadu waa waxaynu ku caano maalay waa taynu ictiraafka ku doonaynay, saxaafada madaxa banaan iyo xoriyo tul qawlku waa waxa uu distoorkeenu si cad u sheegayo, distoorkiina meel bay kaga dhacayaan, waxaan leeyahay hadaa doonaysaan inay majaajilooyinku yaraadaan dee is hagaajiya, dad wasakhaysan oo hadana leh ha I sheegin  waxba ma qabee waad wasakhaysan tihiin, qabiil baad ku caalamad san tihiin iyo tuugo oo musuq maasuqbaad ku calaamadaysan tihiin, ceeb oo dhan baad ku calaamad san tihiin, markaa waad qudhunteen, waa in talaabo wayn laga qaadaa oo Tv-yada oo dhami ay joojiyaan shaqada oo saxaafadu ha joojiso shaqada kooda xunbaynu ku duulaynaaa markaa.” Ayuu kaga baxay hadalkiisii

Hase yeeshee saxaafadda oo su’aalo ka weydiisay sida uu u arko barnaamijka Telefishankaasi iyo haddii isaga laga samayn lahaa sida uu u arko waxa uu yidhi “Maxaa la iiga samayn waayey amba imisaa la iga sameeyey kuway I caayeen ee ay aniga shaqsiyan ii caayeen,  wasiir ku xigeen ka soo saaqiday ee xamaalka ka ahaa London ee ku-xigeenka laga dhigay gaashaandhiga  ee maalin kasta i caayaya maad aragtay hadii cayda la joojin waayo anagu gacanta ayaanu wax iskaga celinaynaa, kaa wasiir ku-xigeenka ah waxaan leeyahay hadaad mar dambe I caydo xafiiska ayaan kuugu imanayaa balan waxa ah in aan gacan ku saari doono, siduu ii caayi karaa inan yar oo xamaal ka ahaa London  oo wasiir ku-xigeen laga siiyey aanu waxba ka garanayn, khatar baa dalkan ku soo socota dul-qaad halkuu taagan yahay anagaa keenay maanta, wax aan la inagu samayn ma jirto saxaafadii baa la dilay, guryaa la iskugu daatay dadkaa madaxa laga toogtay, lacagtii baa la boobayaa, waxaasi socon mayso, waxa la doonayaa in sidii kacaan kii kaa la idinku xukumo, lacagta lagu cuno ee tuugada ah, isagoo lagu cuno intaasoo  wasaaradood lacagtoodii, mar dambe hadii la iga caayo Tv-ga  inaanu hargeysa ka dhisnaanayn balan baan ku qaaday. waan ku caayayaa hadii ay noqoto oo dawlad magaceeda lanagu caayo ma u dul qaadanayno mar dambe, dalka iyo dadkan lexe jeclo kama qabaan group kan is doortay. inan kii ku gabyey ee soo daata soo daadan maayaan ilaa aynu soo daadino.” Ayuu kaga jawaabay.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version