WAJAALE NEWS

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo loo hakiyey codsi golaha Guurtida uga yimid.

HARGEISA WAJAALENEWS Fadhiga golaha oo maanta laga filayey mooshino Xasaasi ah ayaa markii uu Gudoomiye ciro furay  waxa uu xildhibaanada golaha ku wargaliyey ergo golaha guurtida ah oo uu hogaminayey Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golalaha Guurtida  in ay codsadeen in fadhiga dartood loo baajiyo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad oo Mikirifoonka la siiyey ayaa mudane yaasha u soo jeediyey inay aqbalaan sidaasi ayaanu gudoomiye  cirro ku xidhay fadhigii golaha.

Dhacdooyinkan saaka ka muuqday madasha ayaa waxa ka mid ahaa labadii gudoomiye kuxigeen oo soo dhex fadhiistay madasha golaha halka ay ka ahayd inay soo fadhiistaan Gudoomiye xiro hoostiisa, dhinaca kale warar dhex yaalay mudanayaasha ayaa laga dareemayey mooshin madaxweyne siilaanyo ku wajahan oo ay saxeexeen dhawr iyo sodon mudane kaas oo la soo dhigay golaha.

Dhinaca kale gudoomiye ciro ayaa soo saaray War saxaafadeed uu  shan xildhibaan oo ka tirsan gudiga joogtada ah kaga qaaday xilkii kuwaas oo loo tuhun san yahay inay xalay soo saxeexeen mooshin Cabdirxamaan Ciro Awoodiisa lagu dhimayo.

Exit mobile version