WAJAALENEWS ;Gobolka Crimea ee dalka Ukraine waxaa ka dhacay dibedbaxyo iska soo horjeeda oo kala taageersan Ruushka iyo dowladda KMG ee dalkaas.
Boliiska ayaa kala dhex galay dibedbaxyada iska soo horjeeda iyadoo la sheegay in ugu yaraan hal ruux uu ku dhaawacmay.
Dibedbaxyadan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maamulka KMG ah ee Ukraine uu kala diray ciidanka gaarka ee booliiska ee loo adeegsado ka hortagga rabshadaha.
Cambaareyn caalami ah
Ruushka ayaa dalbaday in cambaareyn caalami ah loo soo jeediyo waxa uu ugu yeeray dhibaatada sii kordheysa ee ka socota galbeedka Ukraine.
Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa ugu yeeray dhammaan dalalka inay kawada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Ukraine oo xasillooni ay ka jirto.
Mar uu ka hadlay magaalada Washington, kadib kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague, Mr Kerry ayaa waxa uu sheegay in Ukraine aysan ahayn meel ay fikradaha reer galbeed-ka iyo Bariga ku dagaalamayaan.
Qalalaasaha Ukraine ayaa billawday kaddib markii madaxweynihii xilka laga tuuray uu diiday inuu heshiis la gaaro Midowga Yurub isagoo door biday inuu xiriir dhaw la yeesho Ruushka
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA .