Hordhac: qaybtii 1aad
Waxaynu si xooggan u aamminsan nahay, xaqiiqduna tahay in ALLAAH (SWT) aanu ruuxna dulmiyin, dadkuse ay yihiin kuwa iyagu gacmahooda isku dulmiyaya. Shaki kuma jiro in markaas waayaha kala duwan ee ku gadaaman nolosha aadamuhu ay yihiin qaar xidhiidh toos ah la leh hawlaha iyo adeegyada kala duwan ee dadyowgu ugu lug yeeshaan wadar ahaan ama keli ahaanba. Waxa la innoo bayaamiyey sababaha aynu daraaddood ku mutaysan karno horumarka/bedbaadada ama dib u dhaca/khasaaraha dhinacyada nolosha, taas awgeed ayey inoogu suurto galaysaa inaan saadaalin ka bixin karno kolba jidka aan raacnaa jihada uu innagu wado iyo waxyaalaha aan ka filan karnoba. Marka haddaba ay noqoto ka hadalka geeddi socodka horumarka nolosha ee shacbiga, waxa daruuri noqonaysa in loo igmado masuuliyiin shacbiga ka mid ah, kuwaas oo gudashada waajibaadyadoodu ay ku xambaarayso inay noqdaan xubno u diyaarsan in lagula xisaabtamo (guul & guul darroba) adeegyada ay fuliyaan. ALLAAH (SWT) ka sakowna cidda xaqa u leh inay la xisaabtantaa, kana abaal marisaa waa shacbigii awoodda ku maamuusay oo kaliya.
Haddaba wuxu shacbi waynaha Somaliland 23kii sano ka soo gudbey xilliyo iyo marxalado kala duwan si uu xaqiijiyo hadafkooda guud oo ah dhismaha dal xor ah, dimuqraddi ah kana mid noqda dawladaha caalamka. Gaar ahaanna 10kii sano ee ugu dambeeyey waxa dalka soo hoggaamiyey dawladdo ay siyaasaddoodu ku abtirsanaysay xisbiyo siyaasadeed oo loollamayey, halka ay 13kii sano ee ka horreeyey awooddu ku koobnayd talada madaxda dhaqanka bulshada. Halka markaas u baahan in diiradda lagu hayaa waxay tahay waxtarka & waxyeellada ay ummadda u yeelatay ku dhaqanka hanaanka dimuqraaddiyadda Somaliland 10kii sano ee la soo dhaafay, dhibaatada lala soo kulmay iyo sida wax looga qaban karo. Qormadan koobani waxay qayb ka tahay buug loogu magac daray ¡§Muuqaalka Dimuqraadiyadda Somaliland¡¨, dhawaanna soo bixi doona kaas oo faahfaahin ka bixin doona dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa, waayihii ku gadaannaa, dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee waqtigan taagan iyo qaabka ugu habboon ee wax looga qaban karo.
Ujeeddada mawduucani wuxu yahay inaanu shacbiga Somaliland ku baraarujinno/wacyi galinno wax ka ogaanshaha xaaladaha ay ku nool yihiin iyo muhiimadda ay leeyihiin xisaabtanka, is-fahamka iyo is-toosinta galdaloolooyinka masuuliyadeed. Faa¡¦iidada laga helayo wacyigalintani waxay tahay inay shacbiga u suurto galsho dib u habayn ay ku sameeyaan hab-nololeedka jira, awoodahooda mideeyaan si wadajir ahaan loogu maareeyo caqabadaha ka hor yimaadda loogana midho dhaliyo hadafka & ujeeddooyinka ummadnimo.
WACYIGA GUUD EE NOLOSHA BULSHADA SOMALILAND
Inta aynaan marka hore falanqayn ku samaynin asbaabaha, cawaaqibka iyo masuuliyadaha ka dambeeya, waxaynu isku dayeynaa inaynu si kooban u muujinno xaaladaha waqtigan ay la nool yihiin shacbigu. Waxa aynu isku wada raacsan nahay in aanay dalka guud ahaan ka jirin xuddunta dhibta dhibaatooyinka oo ah AMNI DARRO, waxase aan la dafiri Karin inu shacbigu ka siman yahay jiritaanka duruufo dhaqan-dhaqaale oo qallafsan. Duruufahani oo nolosha siyaalo kala duwan ugu yeeshay saamayno ka heer ah ayaan u kala saaraynaa kuwo dhaqaale iyo kuwo farsamo.
DHIBAATOOYINKA DHAQAALE
2
„X Shaqo la¡¦aan baahsan oo Haysata xooga shaqada iyo wax soo saarka.
„X Suuq la¡¦aanta badeecadaha iyo Adeegyada gudaha iyo dibadaba.
„X Xaddidnaata kaalmooyinka iyo Maalgalinta waaxyaha dhaqale.
„X Isticmaal xumida dakhliga iyo Kharashka dowladda gaar ahaan Miisaaniyada dalka oo goor walba Ku jirta xaalad olole.
DHIBAATOOYINKA FARSAMO
„X Maqnaanshaha fursadaha tobobarada xirfadaha shaqo abuurista ee dhallinyarada.
„X jiritaan la¡¦aanta barnaamijyada wacyigalinta bulshada ee dhinacyada wax soo saarka
„X Is-faham la¡¦aanta qaybaha bulshada ee nuxurka dimuqradiyadda & awood qaybsiga, sinnaan u qaybsiga khayraadka dalka iwm.
„X Xirfad yaraanta saraakiisha maamulka iyo maaraynta khayraadka kala duwan ee dalka.
„X Maqnaanshaha farsamada iyo qalabka casriga ah ee lagu farsameeyo khayraadka qaydhiin ee dalka.
Maaraynta duruufahaasi waxay ku xidhan yihiin hadba xeeladaha loo adeegsado jaan-goynta iyo fulinta barnaamijyada lagu kobcinayo tiirarka dhaqaalaha & kuwa adeegyada asaasiga ah ee bulshada, iyo waliba sida ay iskula jaan qaadaan waaxyaha dawliga ah & kuwa gaarka loo leeyahay. Si markaas ay innoogu fududaato fahamka cawaaqqibka ay nolosha ku yeesheen iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee ku haboon maaraynta dhibaatooyinka aan soo sheegnay, waxa lagama maarmaan ah inaan markan si kooban u sharaxno qaab-dhismeedka bulsho ee shacbiga Somaliland, tilmaamaha qaybaha uu ka kooban yahay, doorarka ay hab-nololeedka bulshada kaga jiraan iwm.
ABLA-ABLAYNTA JIILASHA BULSHADA SOMALILAND: Shanta Jiil ee ¡§Y¡¨-da ku bilowda.
Jiilasha Yeeshay (qaan-gaadhkii 20kii sano ee kontomaadkii iyo lixdamaadkii):
Tilmaamaha Gaar Ahaaneed: Waa duqayda maanta hormuudka ka ah hoggaaminta dhaqanka bulshada iyo siyaasadda qaranka Somaliland. Waxay waqtigooda intiisii badnayd ku soo qaateen kaalintii hoggaamineed ee halgannadii Gobonimo doonka, kii dib u xoraynta, Dib u dejinta iyo dhismaha dawladnimo ee casriga ah. Waxay ku suntan yihiin inay xilliyo iyo marxalado qallafsanaa kala soo dabbaasheen qaddiyadda iyo masiirka guud ee ummadda, iyagoo heerar kala duwan oo shaqo la soo wadaagay nidaamyo kala fikir iyo hogaamin duwanaa oo dalka soo maray. Waqtiyadii dhaadheeraa ee dalku dhex mushaaxayey dhibaatooyinka siyaasadeed iyo degganaansho la¡¦aaneed waxay awood u heleen inay waajahaan fulinta go¡¦aanno xasaasi ahaa laguna baadi goobayey sharafta iyo karaamada ummadda. Go¡¦aammadaas oo keenayey huritaanka nafo xurmad leh iyo hanti soo dhismaysay qarniyo, fulintoodana looga baahnaa hal adayg iyo kalsooni lagu qabay shacbiga ay
lasoco qaybaha danbe