Qoraal shalay uu soo saaray Agaasimaha Guud ee wasaarada Kheyraadka Biyaha Dr. Cabdirasaaq Jaamac Nuur ayaa lagu sheegay in safaro aqoonyahano ka tirsan wasaarada kheyraadka Biyaha ugu kala baxeen gobolada Bariga iyo galbeedka Somaliland ku soo tirakoobeen ceelal gaadhaya 280 ceel.
Qoraalka Agaasimaha guud ayaa lagu sheegay in Eng. Cismaan Cabdilaahi Cali hogaaminayey kooxda ugu baxay gobolada Barri soo tirakoobeen 130
ceel, halka Eng. Mustafe Ciise Xuseen hogaaminayey aqoonyahanada u baxay gobolada galbeedka soo tirakoobeen 150 ceel.
Tirakoobka aqoonyahanadu wasaarada kheyraadka Biyaha ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen indho-indhaynta tayada biyaha iyo dhadhankooda, mulkiilaha ceelka, xaddiga isticmaala dad/xoolo ee ceel walba iyo guud ahaan jiritaanka baahiyaad dayactir ee ceel walba, taasoo farsamo iyo imkaaniyaad ahaan ka taageertay hay’ada FAO/Swalim.
Ugu dambayn, qoraalka Agaasimaha Guud ee wasaarada Biyaha ayaa lagu sheegay in macluumaadka tirakoobkan loogu diri doono shaybaadh ahaan magaalada Nayroobi, dibna loogu soo celin doono najiitada xogtan wasaarada kheyraadka Biyaha, oo markii ugu horeysay suurtowday fulinteedu.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com