Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo Nin cadhaysani ku weeraray gudaha Kaanboolka Golaha Guurtida. wariye katirsn shabakada caalimaga ah wajaalenews oo markaa goobta joogay ayaa sawirkan kaqaaday xildhibaanka oo lala dagaalamayo
Hargeisa-(wajaalenews)-Sida ilo wareedyo xogogaal ahi u sheegeen wajaalenews Nin magaciisa lagu sheegay Dugullo oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo isla markaana shaqaale ka ah wasaarada duulista iyo hawada ayaa saaka weerar gaadmo ah la beegsaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida,falkan weerarka ah ayaa ka dhacay kaanboolka Golaha Gudihiisa,ninka weerarka soo qaadey ayaa muran ka taagan yahay ujeedadu u soo galay gudaha kaanboolka golaha guurtida oo marka horeba Askar ilaalo ahi joogto,dadkana badiyaaba celisa.
Ninkan weerararka gaadmada ah qaadey ayaa koob shaaha kululi ka buuxo la beegsadey xildhibaan Jaamac Axmed “Riyo” oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland hase yeeshee khasaare sahlan ayaa gaadhay xildhibaanka.
Ninkan weerarka soo qaaday ayaa lasheegay inuu kadaba socday hees uu abwaanku u sameeyay xukuumada siilaanyo heestan oo magaceeda layidhaa (soodaata) ayaa xukuumada iyo beesha madaxwaynuhuba aad uga cadheedeen saamayna ku yeelatay
Maamulka siilaanyo ayaa ah maamul aan dhaliisha xamilin oo damqasho dhow,
Maaha markii uhoraysay cid xukuumada wax kasheegtay laweeraro, hore ayaa warbaahinta qaar wax kaqoray loo weeray dhibaatana loogaystay
MACADA UJEEDA RASMIGA AH EE KADANBAYSAY WEERARKAN XILDHIBAANKA LAGU QAADAY
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
CONTACT;wajalenews@gmail.com