WAJAALE NEWS

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Shaqadii Ka Joojiyey Agaasimihii Guud Ee Kaluumaysiga Iyo Khilaafyada Wasiirada Iyo Agaasimeyaashooda Oo Soo Badanaya.

ilka caseHargeysa(Wajaale News):-Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed ayaa Shalay  shaqo joojin ku sameeyey Agaasimihiisii Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Maxamed Cilmi Aadan (Il-kacase).

Shaqo ka joojinta uu wasiir Buureed ku sameeyey Agaasime Ilkacase war faahfaahsan lagama hayo hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan waxa uu salka ku hayaa muran dhinaca maamulka wasaaradda ah oo la  isku fahmiwaayey.

Si rasmi ah looma oga khilaafkoodu waxa uu daaran yahay balse tibaaxo hoose oo aanu ka helnay ayaa sheegaya in ay isku qabteen nidaamka shaqo iyo qorshayaal la doonayey in wasaaraddu fuliso, kuwaas oo midkoodba dhan ula kacay.

Wasaaradda kalluumaysiga Somaliland oo ah wasaarad balaadhan ayaa ka hawl-gasha dhamaan goboladda teedsan xeebta dhereran ee Somaliland, taasoo ay ka fuliso mashaariic isugu jira horumarin iyo Iibinta Kalluunka ku duugan iyagoo bixiya Ruqsado sharci ah, halka inta badan la musuq maasuqo khayraadkaasi.

Wasiir Cali Buureed ayaa wasaaradda Kaluumaysiga loo magacaabay dhawaan isagoo ka soo wareegay dhinaca Maamulka Puntland oo uu xilal heer wasiiro ah ka soo qabtay, halka Agaasime Ilkacase oo wasaaradda uga soo horeeyey uu kala soo shaqeeyey Wasiirkii kan ka horeeyey C/laahi Geel-jire.

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo  kale uu wasiir ka tirsan xukuumadda silanyo uu sidan oo kale shaqadan uga joojiyo agaasime guud,iyadoo hore wasiiradda Diinta iyo Awqaafta,cadaalada ay sidan oo kale shaqo joojin ugu sameeyeen agaasimeyaashii wasaaradahooda,kuwaasi oo ilaa wali uu khilaafkoodii uu aloosan yahay,dadka u dhuun daloola arrimaha ay isku qabtaan wasiirada iyo agaasimeyaasha ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso awoodaha ay agaasimeyaashu ka haystaan dhinaca madaxtooyada taasi oo keenta in ay isku dhacaan wasiirka iyo agaasimuhu.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com

Exit mobile version