WAJAALE NEWS

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Jaaliyada Reer Somaliland Ee Magaalada Helsinki

WAJAALENEWS (Helsinki). wasiirka wasaaradda caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise oo safar shaqo ku jooga dalka Finland  iyo Agaasimaha Cusbataalka guud ee magaalada Hargeysa

 Dr. Axmed Cumar Askar ayaa kulan xog waran la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Finland.

Kulanka waxaa lagu furay wacdi diini ah oo ka jeediyey Axmed weli Dahir Xaddi, waxaa hadalo soo dhawayn iyo mahad isugu jira ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Xasan Cali sadexle iyo Gudoomiyah Jaaliyadda SL ee magaalada Turku Cabdillahi Xasan ee wadanka Finland. Waxaa iyana hadalo dhiirigelin iyo tusaalayn ah ka soo jeediyey Dr, Cali Cumar iyo Siciid Guuleed oo ah xidhiidhiya mashruuca MIDA (IOM).

Waxaa Warbixin wasiirka ka siiyey guud ahaan Jaaliyadda Tariikhdeeda iyo dhismaheedaba Dr, Axmed Cumar Askar,sidoo kale Waxaa uu uga waramay Jaaliyadda Hawlaha Caafimaadka ee ka socda dalka , gaar ahaan  Isbitaalka guud ee  Caasimadda Somaliland oo haatan  madaxda ka yahay.Islamarkaan ku soo dhaweeyey Wasiirka Jaaliyadda:

Wasiirka Caafimaadka JSL  Mudane Saleebaan waxaa uu mahad naqay dhammaan intii ka soo qayb gashay kulanka, isagoo sheegay inay tahay maalin shaqo isla markaana xilligan uu jawigu aad u xun yahay. wasiirku waxaa uu warbixin ka siiyey Jaaliyadda hawsha shaqo ee uu socday oo ahayd barnaamij ay qurbajooga caafimaadka ka shaqeeya ku tageen dalkii,  sidii ay dalkii uga hawl geli lahaayen, kaasoo wax weyn ka taray ila haatan intii uu socday , iminkana ay ku hawlan yihiin sidii loo sidii wadi lahaa wejiyadiisa dambe. wasiirku waxaa ka waramay burburkii dalka ka dhacay sida uu saameeyey caafimaadka iyo dhinacyada kaleba islaa markaana loo heli dad aqoonta in ay dalkii waxtar ka geystaan. Waxaa kale uu ku dhiigigeliyey Jaaliyadda inay ka hawgasho sidii ay waxqabad uga geysan lahaayeen dalkii gaar ahaan dhinaca caafimaadka- hana qalab ,gaadiidka bukaanka iyo waxyaabo kaleba.

Kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyey salaan iyo mahadnaq loo jeediyey wasiirka.Kulankan Waxaa xidhiidhinayay Gudoomiye xigeenka Cabdillaahi Rooble.(Ilka Case).

Illaah Baa Mahad leh

Guddiga Jaaliayadda Somaliland Ee Finland

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA

 

Exit mobile version