WAJAALE NEWS

Warsaxaafadeed: Qaranimada Somaliland Xaraash(Auction) maaha.

Hargaysa(Wajaale News):-Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa ay ku saabsan yihiin qadiyada madaxbanaanida Somaliland, waxay ku saabsan yihiin caqabada ugu wayn ee hortaala Jamuuriyada Somaliland. Wadahadaladu waxay ku saabsanyhiin arin laf dhabar ah oo wixii ka khaldamaana ay dhaawac gaadhsiinayaan himiladii iyo hankii shacabka ee ay  naftooda u waayeen kumanaanka geesi ee ay u burbureen caasimadihii ugu waaweynaa Somaliland iyo malaayiin dhaqaale ahi.

Sidaa daraadeed waxa xisbiga WADDANI u muuqata in aynu feejignaan iyo talo aad loo gorfeeyay ku galo wadahadalada inaga dhexeeya Saomlaiya, si aynu uga fogaano fashil iyo ilduuf. Waxa kaloo Xisbiga WADDANI u muuqda in arintan oo ah arin qaran, ay lagama maarmaan tahay in laga wada shaqeeyo oo aanay noqon arin sida loo wajahayo la isku khilaafo, ama points siyaasadeed lagu kala urursado, waayo waa arin ka culus in la siyaasadeeyo oo lakala sheegto ama lakala jiito, waa arin ka culus in Xukuumada iyo xubno ka tirsan xisbigeedu isku koobaan,  iyadoo weliba ay muuqato inaanay ku filayn oo  ay la kacaa kufayaan. Waa arin ka culus in qof Samlialnder ahi ka aamuso ama daawado hadii ay si kahldan u socoto. Waxaanu u aragnaa in arimaha noocan ah ee masiiriga ahi aanay ahayn kuwo ay xukuumadu kalegeed ku tasarufi karto.
Laakiin nasiib daro, xukuumadeena in arintani muhiimadaa leedahay, oo in hareeraha laga wada joogo ay u baahantahay uma muuqato. Anagaa nala doortay ayuunbay xukuumadii la soo taagantahay. Waxay xukuumadu ilowsantahay in dadkii doortay ay yaabanyihiin oo ay is waydiinayaan “waar awel maxaynu dooranay” qaar kalena ay quusteenba oo ay taaganyihiin “waar yaa harageedii nagaga caliya” waxa tusaale kuugu filan halka lala maray C/raxman C/qadir, maxamed xaashi, Dr gaboose iyo rakii kale ee la midka ahaa ee guusha Kulmiye dhaliyay. Waxa kaloo xukuumadu ilowsantahay in  Xisbiyada Mucaardka iyagana la doortay oo ay ku fadhiyaan cod shacab oo aad u baaxad leh. Waxay xukuumadu ilowsantahay in xisbiyada mucaaradku ka mid yihiin nidaamkeena dawladnimo ee dastuuriga ah oo ay axsaab qaran yihiin.

Waxa kaloo nasiib daro ah,  in xukuumadu intay arinka dadkii la lahaa ee arinka wax ku kordhin lahaa ay kala cararto, ay tidhaa Addis Ababa ayaa nalagu barayaa sidii aanu Somaliya ula hadli lahayn. Miyaan arintaasi nusqaan ku ahayn umadda reer Somaliland, ma arinka boqolaalka kun ee qof u dhinteen ayaa maanta la ina barayaa sidaynu u sheegan lahayn? Shirka soo socda waa inaga iyo Soomaliya, ma sida Somalia loola hadlo ayaa la inoo taba barayaa?  Somaliya ma cid inooga dhaw oo ay isfahmi karaan ayaa jirta oo ina taba baraysa? Mise dawladeena wax kale oo cusub ayaa la barayaa in ay golaha la tagto iyo sidii ay u odhan lahayd? Wer-werka Xisbiyada mucaaradku qabaan waa kaa caalamkaba u muuqday ee Xukuumadeenii la leeyahay kaalaya sida loo hadlo idin sii barnee, ceebeey tacaal.
Xisbiga Waddani waxa uu la wadaagaa wer-werka ay qabaan umadda reer Somaliland.  Waxa ay bulshadu wer-wer ka qabtaa in  Qadiyadii Somaliland la furfuro oo maalinba qayb ka mid ah Somaliya lagala hadlo oo marna la yidhaa hawada oo qudha ayaa laga Hadlayaa, marna badda oo qudha ayaa laga hadlayaa, marna caawimada iyo xidhiidhka caalamka ayaa laga hadlayaa, marna scholarships ayaa laga hadlayaa IWM, oo weliba mid walba la inagu soo qanciyo Somaliya ayaa la wadaagaysaan. Waxaanu qabnaa in xukuumadu ay wado qaldan hayso, oo ay iska dhex sabaynayso shirar aanay qorshe ay kaga midho dhilinayso hayn.

Xisbiga Waddani Waxa uu qabaa in qadiyada Somaliland iyadoo isku dhan laga hadlo oo aan la tafaariiqayn, oo aynu inagoo midaysan oo aan is barbar yaacayn, arinkana kala sheeganayn  aynu ka wada qayb qaadano. Waa maxay xikmadda ku jirta in Xisbiyada mucaaradka lagala dhuunto? Xisbiga waddani wuxuu ka soo horjeedaa in dawladu keligeed la cararto arinka iyo in ajende qarsoon laga wada hadlo. Waayo wixii qarsooni waxa loo qarinayo ayay qabaan.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay, anigoo fahmaya wer-werka aad qabto iyo qaladka aad tirsatay ee xataa Musharaxaagii iyo Madaxdii xisbigaaga loo diiday inay si xor ah u booqdaan magaalooyinka qaar, hadana waxaan hubaa inaad ogtahay in aan qadiyada Somaliland ahayn Xaraash (Auction) uu ninba wax ku baayacayo Soomaliyana ta ugu jaban uun qaadanayso. Waxaad ogtahay in aanay ahayn qadiyad lagaga midho dhalin karayo is barbaryaac. Gudoomiye waxaan kugula talinayaa in aad shacabka xaal ka siiso hadalkaa aad dhawaan sheegtay oo aanad xukuumadan ku dayan.

Waxaanu we-wer ka qabnaa in ay xukuumadu guul ka soo hoyn doonto qaabka ay arinkan masiiriga ah ula cararayso iyo qorshe la’aanta ay ku socoto. Sidaa daraadeed waxaanu markale ku celinaynaa, in ay xukuumadu keligeed masuul ka ahaan doonto wixii uga soo baxa oo aanaan kula jirin. Haday guul ka gaadhana keligeed ayaa ku amaanaan doonta oo waynu u wada hambalyayn, hadii ay fashilaad ka gaadhana iyadaa keligeed ku eedaysnaan doonta. Laakiin anagu waxaanu qabnaa in aynaan qaadi Karin fashilaad arintaa ka timaada, sidaas ayaanu u leenahay hareeraha ha laga wada joogo.

Waxaanu

 

Hargaysa Office

 

Wajaale News

 

Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version