WAJAALE NEWS

Munaasibad balaadhan oo Lagu Xusayo Nabigeenii Suubanaa (NNKH) Oo Lagu Qabtay Huteel Maansoor Ee Magaalada Hargaysa

Hargaysa(Wajaale News):-munaasibad balaadhan oo lagu xusayo dhalashada nabiga (NNKH)ayaa waxa ay sitoosa ugau socota hoolka maansoor ee magaalada hargaysa waxa ka soo qayb galay madax iyo marti sharaf kala duwan ee xukuumada somaliland iyo mauuliyiin kale duwan

daawo qaar kamid ah sawirada masuuliyiinta halkaas ka soo qayb gashay

DSC00489

Geesta kalena waxa halkaasi ka hadlay sheekh C/raxmaan Sheekha Faarax oo ka mid ah maasuul sare oo ka socda wasaarada diinta iyo Awqaafta ee jamuuriyada somaliland

sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamuud Yuusuf Maxamuud oo ina ka tirsan wasaarada diinta iyo Awqaafta oo ku dheeraday maalinati iyo xusideeda

waxa kale isna halkaasi  hadalo ka kooban ka soo jeediyay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Wedhsame) waxanu goobtaasi xafalada dhaxdeeda ka jeediyay gabay uu ugu tala galay xuska nabigeeni suubanaa NNKH .

Sidoo Kale waxa aan ka maqnay madaxwayne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasin oo isna dhankiisa ka jeediyay xuska maantan oo ku tilmaamay maalin qiimo u leh umada muslimiinta meelkasta oo ay  joogaan

waxan dhankooda ka hadlay macalimminka ka socday madamada aynu jaarka nahay sida wadanka masar yaman .

inta ay xafadu socotay waxa isna ku soo biiray madaxwayne ku xigeenka jamuuriyada somaliland C/raxmaan Ismaacil (Saylici).

Munaasibada waxa kale oo ka hadlay gudida Qaban Qaabada Xil,Axmed Yasiin Sh.Cali oo hadalo ka jeediyay waxaanu dar daaran adag u jeediyay dhamaan cidii ka soo qayb gashay.

Munaasibadan oo ahayid mid si balaadhan loo soo agaasimay ayaa halku dhiga sanadku ahaa Baro Akhlaaqda Rasuulka (SCW), waxaana halkaasi lagu soo bandhigay Qasaayid,Nashidooyin iyo axadiis ku saabsan Nabigeena Muxamed (SCW).

Maaha midkii ugu horaysay ee sidan loo soo agaasimo xafladani oo noqonaysa xafladaha ugu qiimaha badan ee ka dhaca dhamaan dhulka Islaamka.

Gaba Gabadii waxa soo Xidhay Xafladaasi Madax-weyn ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici)oo Sheegay in ay wacan tahay in la xuso Nabigeena Muxamed (NNKH)

Haergaysa Office

Wajaale News

Email:habane00@gmail.com

Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version