WAJAALE NEWS

Taliyaha Ciidamada Asluubta Oo Laascaanood Gaadhay iyo Hawlaha Horyaala

Taliyaha ayaa la filayaa in mudada uu ku sugan yahay halkaasi in uu kulamo kala duwan la yeelan doono saraakiisha dhinca

Laascaanood (Wajaale-News) Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii hore gaadhay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Socdaalka Taliyaha  Ciidamada Asluubta Somaliland oo ka dambeeyay ka dib markii uu Somaliland ka goostay sarkaalkii madaxda ka ahaa Jeelka Magaalada Laascaanood.

Taliyaha ayaa la filayaa in mudada uu ku sugan yahay halkaasi in uu kulamo kala duwanla yeelan doono saraakiisha dhinca ciidamada asluubta ee ugu saraysa gobolka, kuwaas oo uu ka dhagaysan doono warbixin la xidhiidha habsami u socodka hawlaha ciidamada Asluubta.

Sidoo kale wararka laga helayo Magaaladda Laascnood ee xarunta Gobnolka Sool ayaa sheegaya in uu taliyeha ciidamada Asluubtu uu soo dhisi doono maamulka Jeelka Laascaanood, halkaas uu ka baxsaday taliyihii hore.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version