WAJAALE NEWS

SIDA SOMALILAND UGU HUNGOWDEY MIDNIMADII LIXDANKII AYEY HABAR-AWALNA UGU HUNGOWDEY XISBIGA KULMIYE

waxana lagu wargalinayaa wax garadka,hogaamiye dhaqmeedka, Aqoonyahanka,dhallinyarada iyo qaybaha kale ee ay ka kooban tahay bulshada beelweynta………

WAXAN AHAY NINKA BIIXI BAN CID LA’ BIRTA UGU XIDHAY ALLA BAARISANIYAA anigoo ah GARAADKA BEELWEYNTA HABAR-MAGAADO waxan halkan idiinka caddeynayaa in ay soo gabagabowdey rajadii laga qabay in la badbaadiyo xibi xaakinka
KULMIYE islamarkaasna ay faramadhan ka keeneen GUDDIDI beesha SACAD-MUUSE ee ka mid ah BEELWEYNTA HABAR-MAGAADO,sidaa darteedna loo baahanyahay in loo guuro sida ay ku jirto danta beelweynta HABAR-MAGAADO,
sida aynu ka dharagsanahay waxa XISBIGA KULMIYE hadheeyey bilihii ugu dambeeyey
khilaaf soo noqnoqonayey oo uu sobob u ahaa MADAXWEYNE SIILAANYO ujeedadisuna ahayd in aan XISBIGA KULMIYE cidi kula gorgotami karin maamulkiisa isaga iyo beesha uu MADAXWEYNUHU ka soo jeedo,taasina ay meesha ka saartay in uu XISBIGU yahay xisbi qaran oo u dhex ah beelaha SOMALILAND,hadaba waxa u caddaatay qaybo ka mid ah beelihii taageerada ballaadhan siiyey xisbiga Kulmiye in heshiiskii ay wada galeen GUDDOOMIHII XISBIGA ee wakhtigaa mr SIILAANYO uu la mid ahaa midowgii lagu hungoobey ee lixdankii ay SOMALILAND la gashay SOMALIA. sidaas darteedna loo baahan yahay in beelweynta HABAR-MAGAADO ka tashato aayaheeda,
waxana lagu wargalinayaa waxgaradka,hogaamiye dhaqmeedka,Aqoonyahanka,dhallinyarada iyo qaybaha kalee bulshada beelweynta HABARMAGAADO in ay ka soo qayb galaan SHIR ka dhicidoona magaalada ARABSIYO BISHA FEB 25Keeda kaasi oo loogu gogolxaadhi doono shirweyna beelweynta HABARMAGAADO ee 25 MARCH ka dhici doona MAGAALO MADAXDA GOBOLKA TOGDHEER EE BURCO haddii allaha awooda lihi ogalaado,

wabillaahi towfiiq
BY GARAAD MUSTAFA SH ABIBAKER HUSSIEN
TEL 4466752

Exit mobile version