WAJAALE NEWS

Maamul Xumaanta Siilanyo Waxaa Nagaga Daran Magac Xumida Uu Na Baday‏

Maamul Xumaanta Siilanyo Waxaa Nagaga Daran Magac Xumida Uu Na Baday‏
Tan iyo maalintii xukuumada Siilanyo talada dalka la wareegtay waxaa soo if baxayey maamul xumida xakuumada Siilaanyo iyadoo ay sababtu tahay musuqmaasuqa,qabyaalada,qaraabo kiilka,iyo eexda dishootey nidaamkii maamul ee loo igmaday.
Iyadoo intaasi oo dhami jiraan ayaa hadana somaliland waxaa raacday dhegxumo ay u soo jiiday xukuumada Siilaanyo taasi oo ah markii xukuumadu qorgortan gelisey madaxbanaanidii iyo jiritaanka muqadaska ahaa ee Somaliland kadib markii ay wadahadal la furtay xukuumada fadaraalka ah ee somaliya.
Xukuumada siilaanyo waxay ka dhigtay somaliland maamul-goboleed la siman Puntland,Galmudug,ximan iyo xeeb,jubaland waana magac xumo iyo sharaf daro ku dhacday shacabka somaliland oo caalamka ka sugayey ictiraaf.
Xukuumada siilanyo waxay denbi ama jariimad weyn ka gashay somaliland waxayna khiyaameysay(Treason) shacabkii soo doortay waxay gud madow ku rideen jamhuuriyadii madax banaanayd ee Somaliland,siilaanyona wuxuu ku suntan yahay Khaainal wadan( Traitor).
(Maamul Xumaanta Siilanyo waxaa nagaga daran magac xumida uu na baday).
Somalilandcitizen.

Exit mobile version