Xukuumada Axmed-siiraanyo waxay ahayd inay ka xishooto faanka waxqabad ee ay shacabka harraadku jaray dhegahooda ku asqaysay.Ma waxay garan wayday bal shacabkan qayladu ka dhamaatay ku guntada sidii caasimada biyo loo soo gelin lahaa ilayn biyo maynaan waayine oo Geed-deeble iyo ceelasha Xunbo-weyne ayaa ku filane,weliba ka badane.Ma dhuumaha iyo haamaha keydka ee biyaha ayay dhaqaajin kari waayeen.
Wasiirka wasaaradaa biyahu ma la xidid-baa
inankan yar ee maareeyaha biyaha mise mashaariicda ayuu qaydhinka kula qayb-sadaa.Mise arrimo hoose oo aan daboolka laga qaadi Karin ayaa jira.Aan dilaac-shee waxa jira hay?ad ka dhex samaysan wakaalada biyaha,kuna magacaabaan qaybta mashaariicda.Waa halka musuqu ka bilaab-mo oo ay 3dex nin ka masuul yahiin.Waa maareeyaha w.biyaha,xisaabiyaha iyo mareeyahii hore.Waa NGO aan sharci lahayn balse noqotay tuun-bo afkeeda hore ku jiro wakaalada biyaha,afka danbana waxuu ku jiraa NGO-gaa ay raggaas aan kor ku xusay ka dhex samaysteen wakaalada biyaha ee ay hadana shaqaalaha ka yahiin.
Dalku miyaanu lahayn hanti dhawre guud mise meel farta xukuumadu ugu fiiqday ayuun buu gaba-gabeeyaa.Qaranka miyaanu u shaqayn mise madax-tooyada ayuu hoos tagaa.Anigu mararka qaar Ayaan naftayda ku qanciyaa ha deg-degin waa la heli daljire-yaal dalka iyo dadka-ba u damqanaya oo si daacad ah u fulin doona hawsha ay shacabka u hayaan.Marna waxa ii muuqda qorshe xumada xukuumada Axmed-siiraanyo oo durbaano kale garaacaysa.Dhegaba uma laha toosinta oo hadii wax loo sheego xumaan ayuun bay u arkaysaa ama waxay ku tilmaantaa qaylo mucaarid.Xukuumada Axmed-siiraanyo waa isla toosan qar kale jafaysa.
Wakaalada biyahu waxay u baahantay dib u habayn lagu sameeyo madaxda hogaanka ka ah,waxay u baahantay baadhitaan inuu ku sameeyo hanti-dhawraha guud.Meel musuq hadheeyay ayaa shacabkuna biyo gelin ka sugayaa waa laba aan isqaban.Waxay yidhaaheen NGO ayaa biyo siinaysa Bara-kacayaasha hada waa isla wakaalada biyaha,cajiib,caasimadiina waa biyo la?aan.
Xuseen Xasan Badmaax