Wax aan sugo oo sugaba waxaa i soo gaadhay buug lagu ururiyay in badan oo ka mid ah maansada quruxda badan ee Ibraahin Sheekh Saleebaan ”Gadhle”. Abaalna waxaa leh saaxiibkay Najiib Maxamed Saleebaan? oo hadiyad ahaan Hargeysa iiga keenay. Akhris ka dib waxaa i la wacnaatay aniguna in aan wax yar ka idhaahdo.
Bulshada soomaalidu mar haddii ay isku af iyo isku dhaqan ahayd isku hab-fikir iyo isku aqoon ayay ahaan jirtay. Maansayahannaduna degaan wal oo ay joogeen dadkooda ayay la garasho ahaayeen, isku si iyo isku wax ayayna suugaantoodu ka hadli jirtay. Habka loo fekero dabadeed loo maansoodo waxaa ugu mudnayd tolnimada. Haddaba laga soo bilaabo badhtamihii afartannadii qarnigii tegay, kolkii ay soomaalinnimada cusubi abuurantay, fikirkaa dhaqan ee laga sinnaa wax weyn baa iska dooriyay waana la ka la duwanaaday. Dad baa tii hore iyo tolnimadii iska sii watay oo ku hadhay, qaar baa waddaniyad iyo soomaalinnimo u go’ay, qaar kalena fan magaalo oo cusub iyo ilbaxnimo horraysa ayay hibadooda ku bandhigeen. In la qaybsamo, oo dadka qaar halkii hore ka soo dhaqaaqi waayaan qaar kalena fikir ahaan iyo dhaqan ahaan koraan, kollay qof walba wax baday baa jira. Xaaji Aadan Afqallooc, Cismaan Keenadiid, Cali Xuseen Xirsi iyo Cabdillaahi Suldaan tusaale ahaan xilligii ay tirinayeen gabayo wacdaro leh oo ilbaxnimo iyo anshax wacan ku jahaysan, rag badan oo kale ayaa weli taagnaa tol’la’ay!
Anigu wax aan idhaahdaa, kol haddii maanta la marayo marxalad kalaguur oo tolnimadii lagaga baxayo dawladnimana loo tallaabayo, dadku tallaabada isla ma haystaan ee waa la ka la horreeyaa. Markaa kuwa anshax ahaan iyo garaad ahaan qabyaaladda ka koray goor walba wax ay arkayaan qaar kale oo iyaga ama bulshada qabyaalad ku la dhaqmaya, dabadeed waa ay damqanayaan. Dulmiga sidaas ah xanuunkiisa waa in loo adkaystaa, sida uu Rashiid-Gadhweyne maalin dhowayd yidhi. Dadaalkaasi qofka awooda wax uu gaadhsiinayaa bani aadamnimo sarraysa. Taariikhda dhow ee soomaalida marag baa loo yahay dad sidaas ahi in ay jireen, maantana qaar badan baa ina dhex jooga oo innagu hoos dulman.
Haddaba Ibraahin Sheekh Saleebaan oo lagu naanaysi jiray ”Gadhle” wax uu ka mid ahaa inta naftooda iyo dadkoodaba uga hiilisay heerka hooseeya ee qabyaaladda, una gudubtay taagada ilbaxnimada iyo horumarsanaanta garaadka. Halgan gobannimadoon, waddaniyad, guubaabinta iyo toosinta dadkiisa, dhisidda maskaxda bulshadiisa, kobcinta dhaqanka iyo fanka cusub ee soomaaliyeed ayuu halabuurkiisa oo dhan u huray oo ku dareeriyay. Laga soo bilaabo badhtamihii sannadihii 1960-nadii ilaa geeridiisii tubtaa gobannimada leh ayuu ku taagnaa. Dabadeed wax uu ka mid noqday inta aan badnayn ee ku waari doonta bogga wanaagsan ee taariikhda. Faallooyin dhaadheer oo buugga lagu ballaysimay oo ay bixiyeen rag door ah oo Ibraahin-Gadhle aqoon u lahaa ayaa wax badan innaga baraya halyeynimada fikir ee ninkaa.
Dunta wacan ee halabuurkiisa uun ma aha ee xilkasnimada Ibraahin-Gadhle wax ay kale oo ku jirtaa sida fikirkiisu uga tallowsan yahay soohdimaha siyaasadeed ama degaan. Ugu horreyn isaga oo ka mid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee suugaanta dalkiisa Jabbuuti, oo kaalin libaax ka soo qaatay halgankii gobannimada iyo dhismaha qarannimadiisa, wax uu u gudbay u shaqaynta guud ahaan bulsho-weynta soomaalida. Intaa uun ma aha ee wax uu u dagaallamay dhammaan qaddiyadaha aadamiga kuwii uu u arkay in xil akhlaaqeed ka saaran yahay, sida Afrika iyo Carab.
Isaga oo reer Jabbuuti ah Ibraahin-Gadhle wax uu si joogto ah isugu xilsaari jiray ka qaybqaadashada doodaha fikir iyo halabuur ee guud ahaan soomaalida. Tusaale ahaan silsiladihii Siinley iyo Deelley labadaba wax uu ka galay meel qaayo leh. Sannadihii 1988-1991 wax uu ka mid ahaa halgankii adkaa ee la iskaga xoraynayay maamulkii dadqalata ahaa ee Maxamed Siyaad Barre taliyaha ka ahaa. Si taa la mid ah wax uu dadaal wanaagsan ku yeeshay daminta dagaalladii sokeeye ee sannadihii sagaashannadii dhulka Somaliland ka dhacay. Intuba wax ay ina tusayaan in uu rumaysnaa waajibkiisu in uu ka gudubsan yahay soohdimaha soomaalida qaybiya.
Dhanka hibada iyo awoodda halabuurkiisu waa heerka ugu sarreeya ee soomaalida cusubi ka maansooto. Ka la duwanaanta iyo jaadadka badan ee suugaantiisa ka sokow, wax aad arkaysaa in uu ahaa maansayahan dhab ah oo eraygiisu lee yahay xoog iyo xiise nafta meesha ugu fog kaga dhacaya. Suugaanta soomaalida wax uu ku lee yahay murti hodan ah oo maalin walba tusaale loo soo qaato, ama fan iyo heeso dhaxalgalay oo goor kasta nafta lagu jalbeebiyo. Miinleyda jiiftada ah ee lagu magacaabo Mullaax, oo ah tixda diiwaanka looga magac diiray, wax ay ka mid tahay kuwa maansada soomaaliyeed ugu qaayo weyn uguna fikir iyo falsafad badan. Waa tix aynnu maalin walba meerisyo murtiyeed oo ka mid ah bulshada ka maqallo. Mullaax waxaa ka mid ah:
Midigtaadu yaya noqon
Mid tolkeed u muruq weyn
Murjinkaagu yuu noqon
Magli dila walaalkii
Magacaagu yuu noqon
Mid xumaan ka marag kaca
Sida macawisaa qaar
Ninba maalin yuu xidhan
Hadba kii muraaddo leh
Hawga dhigin maqaarsaar
Maskaxdaadu yay noqon
Maqal lagu la lee yahay
Yaan toban muftaax iyo
Lagu furan masaabiir
Waxaad shalayto mudatiyo
Mahadhada xusuusnow
Halka qorigu kaa muday
Mar labaad lugtaadiyo
Yaan cagtaadu ku la marin
Muhmal lagu ma guuree
Danni Mooge haw dilin
Maan fayow ha ceebayn
Ha marmarin wax aan jirin
Maamuuska sharaftana
Ka ilaali maydhaan
Miyirkiyo hubsiintuna
Maro weeye la huwado
Murdisiyo walaalkaa
Hadduu miiq ku dheer yahay
Yaan masayrku kugu dirin
Taladiyo mudnaantuna
Madaxtaag ma noqotee
Intaan laga la maarmayn
Murtideeda wayddii
Nin ku yidhi masaan nahay
Mar la qaad tallaabada
La malayso mooyee
Yuu midiidin kaa dhigan
Midho aad la lee dahay
Yuu ku cunin is moodsiis (259 -269)
Xoogga iyo xarragada maansada Ibraahin-Gadhle tusaale kale wax aynnu uga dhigan karnaa gabayga lagu magacaabo ”Yalaxle” oo uu ku gardaadiyay calankiisa Jabbuuti sannadkii 1977. Sida la og yahay xarafka y:du af soomaaliga wuu ku yar yahay, sidaa darteed ma jirto ama waa dhif tix naf leh oo xarafkaa lagu dhisay. Tixdiisani waa ta ugu qiimi badan uguna tayo wanaagsan ee aan ilaa maanta arkay ee xarafkaa ku socota. Bal dhadhanso:
Yesha ka ma fogaadoo tukii yucubka soo fuulye
Yilidiyo dugaaggana haddii yuur la odhan waayo
Waxa yacayga kuu yaalla iyo yabadh ma daayaane
Isticmaarna duulkii yunbudha ka ma yahoomaane
Yeelaha haddaan loo furfurin naga ma yaaceene
Yoocada jabaysiyo hadduu yicib na moodaayay
Yamyam laga wareeriyo libaax yuururaa helaye
Yamaayuuqa qayliyo markaan yuuska damin waynay
Ma yaxyaxay ma na la yaabbanyoo cadho ma yaayuulay
Yamaayuug halkuu joogay iyo Yurub ma waydaarshay
Ma hadday indhaha yuubayaan na ma yaqaannaane
Waa Yahaabur gaaladu haddaan la iska yookaynne
Yakhyakhsiga gumaysiga dad aan yeelin baan nahaye
Yahanniyo waxaa loo igmaday yeesiyaal badane
Yaahada kuwii loo diraan gabin yaboohdiiye
Xisbigaa yubbaha noo galoo kiciyay yeydiiye
Shacbigaa yakamaha u rakibay yar iyo waaweyne
Yeekaha markii loo roguu baqay yaxaaskiiye
Ummad yahay waxaan yu’anayiyo timi yaqiintiiye
Yididdiiladii dhimatay iyo yeedhay nabaddiiye
Yuhuun lagu heshiiyiyo talaa lagu yabaalaaye
Yiciistiyo haddaa maatadii loo yabyabayaaye
Geelii wa kaa shalay yibladay goostay yurubtiiye
Dhul yamaarug weyn bay xerada uga yagleeleene
Yix la mood tigaaddii baxdaan laga yaqaafayne
Yaaraha dabayshiyo waxay yalaw na leefaanba
Calan yahow ku yuuqnaye ducaan kuu yabaabulaye
Yaasiinka diintiyo ducaan kaaga dhigay yeele
Yalaxlee adduunyada mid aan yeeshay baad tahaye (101-104)
Sideedaba maansada quruxdeeda iyo aftahanadeeda waxaa ka mid ah in lagu badhxo sheekayn iyo maahmaahid. Xaaladdaasi wax ay durkisaa riddada tixda, wax ay wanaajisaa gudbinta dhambaalkeeda, wax ayna macaanaysaa dhadhansiga odhaahdeeda. Haddaba sheekaynta iyo maahmaahda labaduba maansada Ibraahin-Gadhle aad bay ugu badan yihiin. Wax uu kale oo bakaayo ku qabay dheegashada maansooyinka kale ee soomaalida, taas oo qudheedu tayada tixda xoojisa. Xigashada iyo dheegashada maansooyinka kale wax ay kale oo qiimi u lee dahay xusuusta wadareed iyo xidhiidhinta sooyaalka bulsheed. Meesha fog ee uu abwaankani taa ka gaadhay wax aad ka arkaysaa gaar ahaan tixaha ku jira ruwaayddiisii ”Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa” taas oo uu ka falkiyay qisadii Cilmi Boodhari. Tixo qurux badan oo ruwaayaddaa ku jira wax uu ka soo dheegay maansadii ninkaa hore.
Sheeko xariiro soomaaliyeed baa tidhaahda beri baa waraabe yidhi magacaa Waraabe waan la hodmay ee ha la iga daayo oo ha la ii bixiyo Aammin. Dabadeed waxaa lagu xujeeyay haddii uu caddeeyo dugaagnimadii in uu ka baxay in magacaa uu doortay loo bixin doono. Haddaba qisadaa ayuu Ibraahin-Gadhle maanso ka soohay isaga oo ugu duurxulaya rag uu lee yahay weligood hagaagi maayaan:
Waraabaa ayaan yidhi:
Haddaad igu ogaydeen
Baadida islaamkiyo
Anoo aaran geel cuna
Iimaan-la’aantii
Allaa iga hadeeyoo
Istaaqfurulla baan idhi
Aammin baanan ka la baxay
Magicii inkaarraa
Isagoo ujeeddo leh
Orgi baa nin gawracay
Indhashuu u sudhay laan
Waa ammaanadaadee
Sii ilaali buu yidhi
Ninkii Aammin sheegtow
Isaguna awaal socoy
Markuu tegay islaankii
In yar uun ka maqan yahay
Agagaas dhurwaagii
Ambaqaad tallaabada
Hadba soo ogaal durug
Eeg eeg hilbaha dagan
Ursay jeenyihii hore
Wuxu yidhi udgoonaa!
Amarrow markii xigay
Af ballaadhan ka la qaad
Carrab oomman soo saar
Awlallada ka leefleef
Wuxu yidhi Allay lehe
Oon xalaala baan helay!
Aad buu cantuugada
Adhaxda uga buuxsaday
Kol ay araracdii tahay
Alam sii laf iyo jiidh
In yar neefki ka ma tegin
Duqa imashadiisii
Eedaysanii bood
Ooddiyo dhirtii jiidh
Eray baa se laga helay
Ku arooray maahmaah
Isagoo ordaayoo
Afarqaadayuu yidhi:
Waxaad igu ogaataan
Wixii aan ahaan jiray
Maansada, hees faneedda iyo ruwaayadaha intaba Ibraahin-Gadhle aad buu ugu xarragooday. Ugu yaraan saddex heesood oo dhaxalgal ah kana mid ah halabuurkiisa waxaa ku luuqeeyay hoobalkii caanka ahaa Maxamed Mooge Liibaan, kaas oo ahaa nin loo majeerto qurxinta iyo qaayaynta hees faneedda.
Buuggan oo sida la xusay hawshiisu soo jiitantay duruufo jiray dartood, oo dhawr nin ku dhex wareegay, haddana waxaa la xusayaa in aan halabuurkii abwaanku halkan ku dhammayn. Waa run oo ku ma dhamma ku mana dhowa. Haddii la eego afartankii sannadood ee maansada Ibraahin-Gadhle soo taxnayd, iyo heesihii iyo murtidii badnayd ee ruwaayadihiisa ka buuxay, waa hubaal diiwaan gelinta suugaantaa in aan fari ka qodnayn, buugganna waxaa loo qaadan karaa uun, sida qoraayaashuba sheegeen, bilaw wanaagsan.
Hargeysa ayaa lagu daabacay diiwaankan, tayada madbacadda iyo warqadduna aad bay u wanaagsan yihiin oo waa lagu farxayaa madbacadaha dalku in ay sidaa u horumareen. Xagga qoraalka buugga, in kasta oo Boobe Yuusuf Ducaale oo qoraa ruugcaddaa ahina meesha ku jiro, haddana ilduufka iyo farsamo xumadu ku ma yara. Ugu horraynba waxaa la qawadayaa qorista faallada iyo sadarrada tixaha oo aan si wacan loo ka la agaasimin. Had iyo goor waxaa habboon in la ka la duwo jaangoynta tixda iyo faallada oo aanay isu ekaan. Isha iyo maskaxdu wax ay u baahan yihiin tixdu mar walba in ay qoraalka intiisa kale ka soocnaato oo ka muuq duwanaato, si dhadhansigu u xoogaysto. Dhaliishaa waxaa u dheer iyada oo buuggan marar badan meerisyada tixaha iyo erayqeexu sadarka isku darsamayaan.
Waxaa kale oo aan qurux badnayn tixda gabayga ah labada qaar ee meeriska (hojiska iyo hooriska) in laba sadar laga ka la dhigo, markaas oo gabaygii u ekaanayo hees, sida buuggan la yeelay. Hakadka joogtada ah ee meerisyada lagu hor qoray iyagana loo ma baahna mana qummana. Intaa waxaa dheer hab-qoraal aan tobaneeyo sano hortood dhaliilay oo maanta qoraalladeenna ku yar laakiin buuggan aad ugu badan. Habkaasi waa xarriijimaha erayada la isugu qabto oo runtii qoraalka aad u foolxumeeya isla markaa aan loo baahnayn. Tusaale ahaan maxaa laga helayaa in la qoro: mahad-naq, il-duuf, gol-daloolo, laf-dhabar, dabbaal-deg, aqal-gal, ab-tirsi iyo qaar badan oo la mid ah? Sow in la iska daayaa ka ma qurux badna ka mana fududa? Haa.
Guud ahaanna buugga soomaaliyeed weli wax uu marayaa heer socodbarasho. Socodbaradnimadaasi wax ay isku mar ama ka la gooni si joogto ah uga muuqataa saddex arrimood oo ka la ah hab-qoraalka la adeegsanayo tayadiisa, aqoonta la gudbinayo sugnaanteeda, iyo farsamada soosaarista. Intaasiba buugaagteenna maanta haba ku sii ka la badnaadeene waa u joogto. Malaha se waxaa la isku raacay tayadu ha inoo dambayso ee bal horta in wax uun la qoro. Taladaas oo qudha ayaynnu ugu adkaysan karnaa dhaliilaha buugagteenna ka buuxa. Talo ayaan se siin lahaa inteenna wax qorista ku shuqlan: Fadlan, buugga waqti ku filan sii oo madbacadda ha ku la degdegin! Run ahaantii inta badan buugaagta af soomaaliga ah, siiba kuwa dhallinyarada, wax aad is dhahaysaa: Wacnaan lahaydee qoraagu haddii uu dhawr cisho oo kale sii haysan lahaa oo ka sii bogan lahaa!
Diiwaankan ”Mullaax” waa dhaxal weyn oo ku soo kordhay maktabadda soomaaliyeed ee weli saboolka ah. Wa olol kolka kuwii hore loo geeyo noqonaya oog weyn oo dhaqanka soomaalidu iftiinsado oo kulaalo. Waa diiwaan ay tahay in uu yaallo aqalladeenna oo dhan.
Sifaha buugga:
Mullaax – maalmihii iyo maansadii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle) 1940 -2006.
Taladii, abaabulkii iyo hagiddii Aadan Aw Cabdi Cismaan (Aadenaw)
Ururintii, diyaarintii iyo tifatirkii Boobe Yuusuf Ducaale & Ibraahin Xaaji Muuse Wacays
Hargeysa, 2012.
Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”