waxan sheegeen in ay inay dhibwayini naga haysato sato marista wadooyinka iyo meelihii aanu marilahayn oo aanu ciida ka soo guraan lahayn ,waxanay intaas ku dareen inay haatan aanay jirin meel ay ciida ka doonaan mar aanu waydiinay ma,leedihiin goobo ay dawladu idiin jidaysay oo aad ciida ka soo gurataan ayaa waxay sheegeen in aanay jirin.
waxanay intaas ku dareen inay dhacdo mararka qaarkood inay ciida ka soo gurtaan meelo u dhow magalada agteeda sida beeraha ku agyaala dooxa agtiisa oo ay sheegeen in dadka iska leh ay ka iibiyaan.
Nin magiciisa ku soo koobay maxamed ayaa yidhi: dawladii c/raxmaan tuut dawladii maxamed xaaji ibraahim cigaal dawladii daahir riyaale kaahin danta shacabka ayay ka talin jireen
Waxanu dawlaadana ka doonaynaa inay sidii xukumadiihii hore ay u ilaalisaa danta shacabka isaga oo dardaarana u jeediyay xukuumada madaxawayne siraanyo in bulshada xaqeeda ilaaliso fariina u diray cida ay khusayso .
Geesta kale ma,aha markii ugu horaysay ee mudoharaad noocan oo kale ay isku yimaadan iska shatooyinka gaaadiidka ee magalada hargaysa oo ay ka cabanayaan cashuuraha oo lagu kordhiyay awgeed.
Dhinaca kale mar aanu xidhiidh la samaynay waaxada cashuuraha bariga ee jamuuriyada somaliland ayaa ay ka gaabsadeen inay nooga waramaan sida ay wax u jiraan