WAJAALE NEWS

“Madaxweyne Adoo Sadex Magac Nebiga La Wadaaga In Cid Kaa Hoosaysaa Ka Soo Qayb Gasho Xuska Dhalashadiisa May Ahayn.”

Marwada Madaxweynahana waxaan odhanayaa waxaad magac wadaagtaan hooyadii Rasuulkeenna Muxamed(SCW)

Hargeysa(Wajaale-News)- Gudoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daauud,ayaa Madaxweynaha Somaliland ku dhaliilay inuu ka maqnaado xuska iyo weyneynta maalinta dhalashada Nebi Muxamed(SCW) oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex ee Xukuumaddii Daahir Rayaale waxaa kaloo uu duco hawada u mariyay Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa Aamina Waris iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo uu Illaahay uga baryay inuu ku beero muxabada Nebi Muxamed.

“Madaxweyne adigoo sadex magac Nebiga la wadaaga may ahayn in cid kaa hoosaysaa xuska dhalashada Nebiga(CSW) ka soo qayb gasho,Adigoo Axmed ah aabbahaa Maxamed yahay, magaca awoowgaana Maxamuud yahay waxay ahayd inaanad ka maqnaan Xuska maalinta dhalashada Nebi Muxamed(SCW)waxaanan Illaahay kaaga baryayaa inuu kugu beero muxabada Nebiga(NNEKHA),waxaanan kaa rejaynayaa inaad kuwa dambe ka soo qayb gasho.”

Waxaa kaloo uu intaa ku daray Maxamed Cabdi Daauud oo uu hadalkiisa raaciyay.
“Qasiidadaa aan akhriyay waxaa tiriyay Sheekh Cabdiraxmaan Saylici,maanta waxaa halkan innala jooga nin ay isku magac yihiin ,waa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil,Cabdiraxmaan Saylici Illaahay waxaan kaaga baryayaa inaad noqoto sida Sheekh Cabdiraxmaan Saylici ,mid ay ku beerantahay muxabada Rasuulkeenna Muxamed (CSW).”

Waxaanu intaa ku daray Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daauud.

“Marwada Madaxweynahana waxaan odhanayaa waxaad magac wadaagtaan hooyadii Rasuulkeenna Muxamed(SCW)markaa Illaahay ha kugu beero muxabada Nebi Maxamed(SCW).”

Ayuu hadalkiisa ku soo khatimay sheekh Maxamed cabdi daauud oo ka mid ahaa msauuliyiinta ka qayb galay xuska maalinta dhalashada Nebi Muxamed(SCW)

 

 

WAJAALE NEWS DESK

WAJAALE OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version