WAJAALE NEWS

Madaxwayne Silanyo Oo Kulamo Gooni Gooni Ah Oo La Xidhiidha Maalgashiga Dalka La Leh Masuuliyiin Ka Tirsan Dawladda Faransiiska

Paris(Wajaalenews) -Madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda Faransiiska ah ee Borel Logistics ayaa  si rasmi ah u bilaabay wadahadalo uga furmay sidii Shirkadaasi Maal-gashi ugu samayn lahayd Dekedda Berbera oo ay muddo badan ku dul wareegayeen.

Wararka aanu ka helay dalka Faransiisku waxaa ay sheegayaan In shirkada Borel Logistics ay tahay tan ka danbeysay socdaalka weftiga Madaxweyne Siilaanyo, taasoo warku tilmaamay inay doonayso inay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah ku bixiso Marsadda Berbera. Sidoo kale, waxaa wararku sheegeen In weftiga Madaxweynuhu la kulmay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Faransiiska.  Mana jiro war faah-faahsan oo masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ka bixiyeen kullamadan marka laga reebo xaqiijinta inay jiraan. Iyaddoo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlay ay tilmaameen in kulamadaasi jiraan, si wanaagsana loo soo dhaweeyay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa weftigiisa ku biiray Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka duulay Imaaraadka Carabta iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo  Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xassan oo iyana ka duulay Istanbul oo ay Somaliland u matalayeen wadda-hadalo dawladda Turkigu dhex-dhexaadinaysay oo Somalia iyo Somaliland dhexmaray.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa doraad gaadhay dalka Faransiiska.waxaana ka dib la filayaa inuu uga sii gudbo dalka Ingiriiska, iyaddoo mudada weftiga Madaxweynaha la sheegay inay qaadan doono ku dhawaad bil.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version