WAJAALE NEWS

MAAYIRKA MAGAALADA GABILEY OO XABSIGA U TAXAABAY AQOON YAHAN FARABADAN IYO SOBOBAHA LOO AANAYNAYO XADHIGOODA;

Gabiley(Wajaale)-Ciidamada Booliiska Magaalada Gabiley ayaa Xabsiga u taxaabay Sadex ka mid ah Aqoonyahanada ku dhaqan Magaalada Gabiley, isla markaana Aqoon yahan kalena ay Ciidamada Booliisku ugu jiraan Baadi-goob, ka dib markii ay Ciidamada Booliisku ka qabteen Iyaga oo ka cashaynaya Cawaysinkii Caawa Hotel Caalami ee Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. 

Xubnahani Aqoon-yahanka ah ee Xabsiga loo taxaabay oo la sheegay in Amarka Xadhigooda uu bixiyey Maayarka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa la sheegayaa in uu ku eedeeyey inay Arbushaad ku sameeyeen Xubno Ka tirsan Hawl-wadeenada qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ku bahoobay Mashruuca loo yaqaano JPLG ga ee lagu horumariyo Dawladaha/Hoose ee Degmooyinka Dalka, kuwaasi oo kormeer ku yimid Maanta Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Haseyeeshee sida ay xaqiijinayaan Dad Goob-joog ahaa ayaa sheegaya in Xubnahani Aqoonyahanka ahi si gaara ula hadleen Saraakiil ka mid ah Hawl-wadeenadaasi, Iyaga oo uga warbixiyey in Mashaariicahan ay Kormeerayaan ay Dawlada/Hoose ee Gabiley hore ugu wargalin jireen Dadwaynaha Reer Gabiley inay Dawlad/hoose ka fuliyeen Dakhligoodii, taasi oo sidoo kale ay u laqimeen in aanay Dadka Reer Gabiley aaminsanayn in Hay’addo Caalami ahi fuliyeenba, Balse ay u sheegeen in Maanta wixii ka danbeeya ay u aqoonsanaan doonaan Mashaariico la iska kaasahaday inay yihiin Wadooyinkan iyo Sariibadan dibu-dhiska Lagu samaynayo.

“Inamadani la xidhayo wax kale laguma xidhin eh ee Maxaad Runta u sheegtay weeyaan, oo Markii ay yimaadeen Nimankii Cadaanka iyo Afrikaanka iskugu jiray ayuu C/khadar (Mid ka mid ah Aqoonyahanka Xidhan) ay iska garteen Inamadii la socday, markaasay si gaara u wada sheekaysteen, C/khadarna waxaa uu u sheegay in Mashaariicahan ay Aaminsan yihiin Dad badan oo Reer Gabiley ahi, inay Fuliyeen Dawlada/Hoose ee Gabiley, sababta oo ah ayuu ku yidhi Dawlada/hoose marna ma xusto inay Mashaariicahani la Fuliyeen Hay’ado Caalami ahi. Balse ayuu ku yidhi Maanta wixii ka danbeeya ayay aqoonsanaan doonaan in Mashaariicahani haday Wadooyin yihiin iyo haday Sariibado la cusboonaysiinayo yihiinba inay Hay’addo Caalami ahi iska kaashadeen oo Dawlada/Hoose ee Gabiley ay ku dartay Qadar kooban”. Sidaa waxa yidhi C/laahi Maxamed Axmed oo Goob-jooge ka ahaa Markii Inanka Aqoonyahanka ah iyo Hawl-wadeen Soomaali ahi is dhaafsanayeen Hadalka.

Arrintaasi oo aad uga cadhaysiisay Maayarka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse isla markaana uu Amar ku bixiyey Fiidkii hore ee Caawa in la soo qabto Wiilashaasi ay is Af-gaadheen Hawl-wadeenada Hay’adaha Caalamiga ah, Kuwaasi(Aqoonyahanka) oo sida la sheegay uu Maayarka Magaaladu ku eedeeyey inay Arbushaad Ula yimaadeen Saraakiishii ka socotay Hay’adaha Caalamiga ee Kormeerka ku samaynaysay Mashaariicaha ay ka hirgaliyeen Degmada Gabiley.

Xubnaha Aqoonyahanka ah ee Xabsiga loo taxaabay iyo Kuwo Baadi-goobka loogu jiro oo lagu kala magacaabo:

C/Khadar Cilmi C/laahi

Cabdi Xamari

Iyo Muxiyadiin.

Xubinta Baadi-goobka loogu jiro oo Isagana lagu magacaabo

Muxiyadiin Maxamed

Wajaalenews Gabiley Office

email;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version