WAJAALE NEWS

Maamul xumada & qorshe la’anta ka muqata waxqabadka dawlada Siilaanyo ku fanto

HARGEISA WAJAALENEWS Madaxweyne axmed siilanyo oo ah aqoonyahan xaga dhaqalaha ah muddo dheerna ku so jiray  sooyaalka siyaasada waayo aragnimo badana u leh siyaasada waxaa la filayey in uu dawladiisu ka duwanaan doonto 3 dawladod ee ka horeeyey ka maamul iyo waxqabad wanaag sanaandoono wax weyna ka qaban doono tabashooyinka shacbiga sl laakin waxaa la dareemayaa in aanay dawladu a/silanyo ku dhisneyn.

Saami qaybsigii beelaha sl ku laheen jireen maamuladii dalkani soo maray inta bada awoodii maamul iyo tii dhaqaale,waxay gacanta ugu jirta xubno beeshiisa ah kuwasi oo aad toos u dareemayso awooda maamul  ee ay xukumada ku dhex leeyihiin marka aad dhaba ahaan ugu dhabogashiid xubnaha dawladu s lee m/weyne siilanyo magacaaba waa kuwo hal qoys kusoo biyo shubta waxaanay dawlada jirtaa ka kooban tahay 3 qaybood oo kala ah

 

a)xubno ka soo jeeda beesha m/weynahaa

b)xubno la xidiid ah oo beesha m/weynahaa

c)xubno la dhalay oo beeshu abti u tahay

aniga oo jecel in aan liiska soo bandhigi dono qormooyinkayga soo socda haddii alle qadaro arintani waa ta keentay in aan maamulka lagu soo dariin dad badan oo ka waxqabad badnaan lahaa kuwo hada jooga.

Marka laga hadlayo xaga awooda waxaad is weydiinaysaa 3 wasiiroo dawlada ka mid ah waxay kaga duwan yihiin wasiirada dhigooda ah

1)tusale:wasiirka duulist hawada oo loo ansaxiyo in uu qaado cashuur 10$ oo qofkasta oo madaarada dalka ka soo dega waxaanay  tani wasaarada ka dhigtay wasaarada kaliya ee juwan ay cashurta ledahay jarta cashuurna qaada sida maaliyada cashuurta loogu magac daray cashuurta nabadgalyada madaarada dhamaan wasaaradaha kale ee dalku awood uma lahaa ay cashuur ku qabtaan

2)wasiirka m/tooyada waxaa lo ansaxiyey cashuur loogu yeedhay horumarinta wadooyinka waxaanay noqotay wasaraada 2 aad ee juwaano ay leedahay jarta waxayna si indho la’an ah gadiidka loogu kordhiyey cashuurta wada mariista “road tax“ waxay arintani si mugleh ku tusaysaa awooda ka badan wasaraadaha kale inay jirto cashuurta gadiidka oo lix biloodleh ahayd hada waxa loo bedelay 3 biloodleh iska daa wax kale oo waxaa la bedelay nidam dawliyo oo dalka lagaga dhaqmi jiray

3)wasarada tamarta macdanta waxay so gashaa heshisyo shidal kuwaasi oo dastuurka  dhigayo in heshisyada dawladu so gasho la horgeeyo G/wakilada waxaa jira ilaa inta la ogyahay  7 shirkadood oo dawladu SL heshiisyo la gashay oo an ila imika la horgeyn G/wakilada wasiirka tamarta macdantuna waxu ka muquuranayaaa ina uu hor tago G/wakilada  iyadoo dhowr jeer G/wakiladu dalbadeen in uu wasiirku horyimado waxa lays waydiin kara waxan wasiirku kaga duwan yahay wasiirada hortegaya g/wakilada dacdooyin kani waxay si dhibyar kuu tusaysa awooda badan ee ay maamulku ku dhex leyihiin arimaha waxay dhawac weyn ku yihiin m/weynahaa a/siilanyo iyo maamulkiisa waana kuwo masaxaya waxqabadka dawlada a/siilaanyo.

2)dawlada m/weyne a/siilaanyo waxay gabi ahaanba ku guuldaraysatay inay la timaado qorshe waxqabaad oo sal unoqon kara waxqabadka dawlada ee 5 sano ee ay xilka qaraanka hayso inay u qorshaysaadan waxqabku ku dhow iyo ka dheeri,lama hayo wax qorshe ah oo saldhig u ah kolba waxaa la qabanaayo dhamaan 31 wasaraadood ee dawlada midna malaha waxqabad u qorsheysan inay halkii sano ama 2 sano ama lix bilood leh oo ah inay qabanaysa

Waxaa kale o ana gabi ahaanba jiriin xeerka shaqada iyo shaqaalahaa oo ha xeer ub muhiimm ah waxay wasaaradani qaraanka uga shaqayso oo qeexaya shaqaada waxay tahay waxyaabahani waxay ka mid yihiin waxyaabaha ragaadiyey waxqabadkii dawlada loga baahna

   La socoo…………………………………………..       

 

QORE Fu’aad sh Ibrahim kooshin ”fu’aad tallow”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version