Jaaliyada Somaliland ee degan magaaloyinka Bristol iyo Cardiff ee dalka UK, waxay hambalyo iyo dhiiri galin isku jirta u dirayaan Maayirka Magaalada Gabiley.

Hambalyo iyo dhiirigalin ku socota maayirka Gabiley.
BRISTOL(WAJAALENEWS) Jaaliyada Somaliland ee degan magaaloyinka Bristol iyo Cardiff ee dalka UK, waxay hambalyo iyo dhiirogalin isku lifaaqan u dirayaan Maayirka Magaalada Gabiley.
Maayir Shucayb Maxamed Muse .taas oo ay ugu hambalyaynayaan waxqabadkii ku dayashada mudnaa ee uu qabtay mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay Maayirka iyo golihiisa degaanka.halkaasna uu ku mutaystay shahaado sharaftii ugu saraysay oo ay gudoonsiisay marwada kowaad ee Somaliland Marwo AMINA WARIS.
Jaaliyad ahaan waxaanu leenahay halkaa ka sii wada ALLAHA awooda lahina ha idinla garabgalo.
Waxa kale oo dhamaan ku dhiiri galinaynaa cidkasta reer somaliland ah ee ku talaabsata wax qabad muuqda inay mudan tahay in ladhiiri galiyo.
waxaan leenahay wax wada qabsiga ayay guushu ku jirtaa ;
ALLAH MAHAD LEH
CAYDARUUS KAYKE XUBNAHA JAALIYADA SOMALILAND ;BRISTOL AND CARDIFF
kayse5@hotmail.co.uk
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;wajalenews@gmail.com