WAJAALE NEWS

“Guuleed waa nin Reer Burco ah Magalada maalin ka maqnaan Maayo..” Sallaadiin iyo Waxgarad digniin u diray Xukuumadda

Qofku Donayaa in Aanu Dugaagu Cunin, Dowladu intay Farfarayso Keebka ay Somaliland ka Qaraxdo ayay Hadana doonaysa in aan la Hadlin

Burco-(wajaalenews) Cuqaasha iyo wax garadka Togdheer oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Burco,ayaa xukuumadd ka dalbaday in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo Guddoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo ay sheegeen inaanay garanayn waxay xukuumaddu uga jeedo inay marba sifo sharciga bal marsan u ixdho.
Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah Saladiinta Gobalka Togdheer, ayaa ka hadlay ujeedada kulanka ay isugu yimaadeen, ”Dadka Kulankan jooga waa Beelaha Habar Magaadle oo dhan, waa Beelihii u soo dagalamay Halgankii iyo Dib u Xorayntii dalka loo Soo maray,Waxaan idiin shegayaa Dowladu Mashruuc ayay ku soo qaadatay Sidii Dalka uu Degaal sokeeye ug gali Lahaa, dibna ugu dhici Lahayd Dorashadu. Dadwaynaha Kulanka soo qayb-galay waxaan leeyahay Nabad-Galyada inoo ilaaliya Si Uu u Fashilmo Qorshaha ay Dowladu soo qaadatay, Dadka Leh Guleedba Burco Mudaharaad ka Dhigay Waa Beenayaal. Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay arrimaha dalka ka dhacaya ee soo noqnoqonaya ka hadla si Dalka iyo Dadkaba Loo Badbaadiyo” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Muuse
Oday Maxamuud ismaacil (Jiir) Oo ka Mid ah Waxgaradka Gobalka Togdheer Oo isaguna Kulankaasi ka hadlay, ayaa ugu Baaqay in sida ugu Habboon ay Xoriyadiisa xukuummaduu u soo celiso Guuleed, Waxaana ka mid ahaa hadaladisa ” Anagu Haddii Aanu Nahay Bulshada Reer Burco Diyaar uma Nihin Aanu Nabad-Galyo Darro ka Abuurna Gobalka,Waxa la Yaab Leh Nimanka la Baxay New Police ama RRU in Reer Habeenkii iska Hurda Gurigooda Loo Soo Daato Oo la xidhxidho,xadhiga Guleed waxaanu u aragnaa kicin Dadwayne si ay Bulshadu iskaga Hor-Timaado Oo Dalka Rabshado ka Dhacaan si ay Doorashada ay u Kordhis-taan,Waxaanu Leenahay Ninka Muwadinka ah Ee Warqada Maxkamada Loogu Yeedhi Karo Ee Habeenkii Loo Soo Daadanayo,Waxa la Yaab Nagu Noqotay Markii Aanu Maqalnay Guleed ayaa Haleeya Laga Qabtay Waar Guleed Nimanka Dowlada Ma Lacag ayuu Kala Yimi,Waxaanu usoo Jeedinaynaa Golayasha Barlamanka iyo Guurtida inay arinkan Soo Fara-Galiyaan Oo Xoriyadiisi Loo Soo Celiyo Masuulkani si Deg Deg ah,Guleed Waa Nin Reer Burco ah Magalada Maalin ka Maqnaan Maayo Wuu Imanayaa Lama Odhan-Karo Hargaysa Joog,Burco Waanu ku soo Dhawaynaynaa ha Yimaado Burco ” Ayuu Yidhi Oday Jiir
Oday Maxamuud ismaacil (Jiir) Oo ka Mid ah Waxgaradka Gobalka Togdheer oo isaguna Kulankaasi Lagu Canbaraynayo Xadhiga Gudomiye ku Xigenkii Hore Ee Gobalka Togdheer ayaa Xukumadda Ugu Baaqay in hida Ugu Haboon ay xoriyadiisa usoo celiso “Anagu haddii aanu nahay Bulshada reer Burco diyaar uma Nihin inanu Nabad-Galyo darro ka abuurna Gobalka, Waxa la yaab leh nimanka la baxay New Police ama RRU in reer Habeenkii iska Hurda gurigooda loo soo daato oo la xidhxidho,Xadhiga Guleed Waxaanu u aragnaa Kicin Dadwayne si ay Bulshadu iskaga Hor-Timaado Oo Dalka Rabshado ka Dhacaan si ay Dorashada ay u Kordhis-taan,Waxaanu Leenahay Ninka Muwadinka ah Ee Warqada Maxkamada Loogu Yeedhi Karo Ee Habeenkii Loo Soo Daadanayo,Waxa la Yaab Nagu Noqotay Markii Aanu Maqalnay Guleed ayaa Haleeya Laga Qabtay Waar Guleed Nimanka Dowlada Ma Lacag ayuu Kala Yimi,Waxaanu usoo Jeedinaynaa Golayasha Barlamanka iyo Guurtida inay arinkan Soo Fara-galiyaan Oo Xoriyadiisi loo soo celiyo si Deg Deg ah,Guuleed Waa Nin Reer Burco ah Magalada Maalin ka Maqnaan Maayo Wuu Imanayaa Lama Odhan-Karo Hargaysa Joog,Burco Waanu ku soo Dhawaynaynaa ha Yimaado Burco ” Ayuu Yidhi Oday Jiir
Gudomiyaha Dhalinyarada Gobalka Togdheer Dayib Cabdi Xirsi Oo isagu ku Hadlayay Afka Dhalinyarada ka soo Qayb-Gashay Kulankaasi ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadaladisii “Waxaan leeyahay mahmaah ayaa t idhahda ‘intuu Bahalaha Dugsaday,intuu Dubur Howd ka Cuno ayuu Qofku Donayaa in Aanu Dugaagu Cunin, Dowladu intay Farfarayso Keebka ay Somaliland ka Qaraxdo ayay Hadana doonaysa in aan la Hadlin,waxaanu Leenahay Guleed Oo Kaliya arinku Maahe Daldaloyin Badan ayaa Jirta,Waxaan Leeyahay Oo Aan Xukumadda Uga Digayaa inay Farfaraynta ka Dayso Keebka Hadii Kale Danba Wuu u Qarxi” Ayuu Yidhi Dayib Cabdi.

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version