Hargeysa(WJN)-Gudoomiye Kuxigeenla Labaad ee Xisbiga Wadani Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse Cabdilaahi suweyn), ayaa si adag u cambaareeyay xadhiga afar kamid aqoonyahanka Gobolka Gabiley oo maalintii shanaad xaqdaro ugu xidhan Magaalada Gabiley, iyadoo afartaa maxbuus shaley loo Wareejiyay Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley kadib markii afar maalmood ka hor Maayarka Gabiley marey xadhigooda iyagoo, aan wax dambi ah galin haseyeeshee nuxurka Xadhigooda Maayarku u cuksadey La Sheekeysi ay la Sheekeysteen Mashruuca Gplg howlawdeenadooda.
Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Wadani oo Warbaahinta ugu Waramey Magaalada Gabiley, ayaa si adag u cambaareeyay Xadhiga Muwaadiniintaas, oo uu ku tilmaamay in uu yahey mid xaqdaro ah maadaama aan loo marin sifo sharci ah islamarkaana, loo xidhey nidaam cadaalad daro ah, Waxaanu ka dalbadey Ciidamada Boolisku in ay si degdeg ah u horgeeyaan garsoorka si loo dhageysto dacwada loo haysto taas, oo uu ku sheegay in aanay munaasib aheyn in Qofka 24 saacadood wax ka badan bilaa sabab loogu haysto Saldhigyada Booliska iyadoo, loo tixgalinayo amarka Maayarka waxaanu ku tilmaamay talaabadan mid qeyra ah oo ay ka fhalan karto fowdo iyo rabshado.
“Anigoo ku hadlaya Magaca Xisbiga Wadani Waxaan cambaareynayaa Xadhiga afar kamid aqoonyahanka Gobolka Gabiley, oo ah rag dhalinyaro ah oo mutacalimiin ah oo afar maalmood xaqdaro ,ku xidhan sifo sharciga baalmarsan loo taxaabay waxa xadhigoodu yahey Qeyra masuulnimo aan loo
dulqaadan karin waxeyna u xidhan yihiin aragtidooda oo ay ka hadleen iyagoo sheegaya arintii miisaaniyada Golaha Deegaanka oo aan aniguba daawanayey, waxaan ka codsaneynaa Xukuumada in ay sidegdeg ah xoroyadooda ugu soo celiyaan inamadaas”Ayuu yidhi Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse Suweyn).
Sikastaba aha ahaatee afartaa kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka Gabiley ayaa maalintii afraad u Xidhan Maayarka Gabiley oo hada ku maqan Ceerigaabo, iyadoo Shaeleyna loo Soo Wareejiyay Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley arintan oo ah mid ugub ah oo aan hore uga dhici jirin Gobolka Gabiley.
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE
EMAIL.wajalenews@gmail.com