Mudaneyaashan ayaa magacyadoodu ay kala ahaayeen Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, Suleex Madar Xoosh, Saleebaan Garas Seed, Axmed Nuur Aw Cali Aadan, Muuse Ibraahim Aw Nuur.
Hargeysa (Wajaale-News) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guddi shan xubnood ka kooban u saaray Mudane ka tirsan Golahaasi kaas oo Puntland u tagay ololaha doorashada madaxtinimada.
Xildhibaan Muuse Ciise Faarax (Ina Xamari), ayaa lagu soo eedeeyay in uu Puntland u tagay sidii uu ugu ololayn lahaa Cabdiraxmaan Uurbeyte oo ka qayb galayay doorashada madaxtinimada Puntland.
Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ku magacaabay shan xildhibaan oo ka tirsan aqalkaasi, kuwaas oo uu amar ku siiyay in ay soo baadhaan sababta dhabta ah ee uu tagay Xildhibaanku Maamulka Puntland.
Mudaneyaashan ayaa magacyadoodu ay kala ahaayeen Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, Suleex Madar Xoosh, Saleebaan Garas Seed, Axmed Nuur Aw Cali Aadan, Muuse Ibraahim Aw Nuur.
Si kastaba ha ahaatee waa mudanihii ugu horeeyay ee Golaha Guurtida Somaliland ay ku soo eedeeyaan in isaga oo xasaanadii huwan ololeha doorashada ee Puntland ka qayb galay.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com