WAJAALE NEWS

Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo ku dhawaaqay In ay Joojiyeen Kalfadhiyadii iyo Wadashaqeyntii Gudida Fulinta Ilaa Baadhista Hantidhowrka

GABILEY (WAJAALENEWS)War Murtiyeedkan ay soo saareen Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ee ay ku shaaciyeen in ay joojiyeen Guud ahaanba wadashaqeyntii u dhexeysey Gudida Fulinta iyo hogaanka Golaha

 

 

Gabiley(wajaalenews)-inta ugu badan ee Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa, maanta soo saarey war murtiyeed ay ku dalbanayaan in baadhis dhinaca Xisaabaadka iyo Maamulka ah lagu Sameeyo Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley kadib markii uu kalafdhigii afraad kusoo baxey Musuqmaasuq badan gudagalkii Xisaabxidhka Sanadkii tagey ee Degmada, waxaanay war murtiyeedkoodan ku shaaciyeen in ay joojiyeen wadashaqeyntii u dhexeysay Gudida Fulinta Golaha Deegaanka ilaa inta uu kasoo gaadhayo Hantidhowrka Guud ee Qaranku baadhayo

 War Murtiyeedkan ay soo saareen Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ee ay ku shaaciyeen in ay joojiyeen Guud ahaanba wadashaqeyntii u dhexeysey Gudida Fulinta iyo hogaanka Golaha iyo waliba kalfadhiyadii caadiga ahaa, oo mid kamid ahi socdey sida ay u tibaaxeen, iyadoo ay warbaahinta usoo bandhigeen manta warmurtiyeedkan labada Xildhibaan ee kala ah Xildhibaan C/qaadir Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdisamed Sheekh Aadan Aamin oo iyagu ku hadlayay kalsoonida Xildhibaanada heego 13 Xildhibaan oo katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

 

Dhinaca kale Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor, ayaa gaashaanka ku dhuftey in uu warbaahinta ka sheego dalabka hantidhowrka iyadoo Magaalada Gabileyna siweyn looga hadalhayo qorshe, maamulka Gabiley ku damacsanyihiin in ay kula macaamilaan Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud-Dheere, iyadoo arimahan Xildhibaanadu ku eedynayaan in uu jiro Musuqnaasuq badani

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version