WAJAALE NEWS

Erey bixinta diblomaasiyadeed ee heshiiska Somaliland iyo Somalia

Erey bixinta diblomaasiyadeed ee heshiiska Somaliland iyo Somalia

Waxay ahayd 19=kii bishan aynu ku jirno ee January markii ay Somaliland iyo Somalia wada galeen heshiis ka kooban sagaal qodob.

HARGEISA WAJAALENEWS ;Sida la ogyahay siyaasadu inta dadweynaha loo sheego way dhaafsantahay, balse waxay ku hoos jirtaa, isla markaana laga ogaan karaa ereyada luuqadda qalaad ee ku qoran.

Sidaasi darteedna waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa erey bixinta diblomaasiyadeed ee ay dhinacyada ku shirsanaa Turkigu ku heshiiyeen.

Haddii aynu soo qaadano waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa ugu muhiimsan ereyadan. Mutual respect. Oo macnaheedu yahay wada ilaalinta danta guud ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Somalia. Haddaba ereyadani waxay afka diblomaasiyadda ku noqonayaan in labada dhinac midba kan kale ixtiraamo, isla markaana uu iska ilaaliyo waxa ka kale ka cadhaysiinaya. Balse way yartahay heshiisyada noocan oo kale ah fulintoodu. Tusaale ahaan wada hadalada u dhaxeeya Iran iyo wadamada dunida xoogga ku sheegtaa waxay ku soo bilawdeen wada ixtiraamka danaha guud ee ka dhaxeeya, waana hadalkii ka soo baxay Iran iyo Maraykanka markii la doortay Rohani. Balse labada dhinac midna ma joojin xanaftii uu ta kale ku hayay, sidaasi si la mid ah Somaliland joojin mayso inay ku dodo madax banaani, Somalia-na joojin mayso inay sheegato inay tahay qayb ka mid ah.

http://www.payvand.com/news/09/sep/1177.html

Waxa kale oo ku jira mutually acceptable outcomes. Erey bixinta ereyadani waxay iyaguna noqonayaan in lagu heshiiyo wax labadaba u cuntama. Waxaana uu la mid noqonaysaa heshiiskii ay wada gaadheen Iran iyo wadamada reer galbeedku ee hadda hirgelintiisu socoto.

http://voiceofrussia.com/news/2013_11_23/Lavrov-Ashton-discuss-achieving-P5-1-mutually-acceptable-agreement-with-Iran-5782/

 

Waxa kale oo ku jira erey bixinta atrocities. Ereygani oo af-soomaali ku noqonaya gabood falo uu noqonayaa in labada dhinac ku heshiiyeen inuu dhacay gabood falo ay samaysay dawladdii Somalia ee Siyaad Barre oo ay ku samaysay guud ahaan shacabka soomaaliyeed si gaar ahna shacabka Somaliland. Erey bixinta qodobkanina waxay noqonaysaa in uu dhacay xasuuq baahsan oo loo geystay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa Somaliland. Taasi oo u macnaysmaysa sida xasuuq ay seerbiyiintu ku sameeyeen Boosniyiinta beer ku taala duleedka magaalada caasimadda ah ee Sarejevo.

http://www.macmillandictionary.com/dictionary/british/atrocity

 

Bal aynu eegno fasiraadaha kale ee laga bixiyana. kala soco qaybaha danbe wajaalenews

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version