WAJAALE NEWS

CILMI BARATAYE CID MA LEEDAHAY.

waa maqaalo taxane ah oo hadii eebe inagu simo aan kaga hadli doono waayaha iyo duruufaha adag ee ku gadaaman dhalinyarada somaliland oo baryahn danbe la daalaa dhacaya shaqo la’aan baahsan.

Qaybta Koowaad:-
Qaybtan waxan kaga hadli doonaa kaalinta ay dhalinyardu kaga jiraan horumarka iyo jiritaanka umada.hadaba waxaynu kawada dharagsanahay in dhalnyaradu tahay ubaxa soo baxaya ay umadi ku taamto isla markana ay tahay halka laga eego horumarka ay umadaasi samayn karto mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Hadba sida ay umadi u ilaashato una daryeesho dhalinyaradeeda ayuunbay wadankoodu u horu
manaystay dhalinyaro aqoonyahano oo kasoo baxay jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba laakiin waxa is waydiin mudan somalialnd ma ilaashatay dhalinyardeeda mise way dayacday?
jawaabtu waa mid aad u fudud oo qofkasta oo caqligiisu si fiican u shaqaynayaa uu ka jawaabi karo.dhalinyarada somaliland waxay ka mid yihiin kuwa ugu nasiibka daran dhigoooda dunida kale ku nool.maxaa yeelay waa dhalinyaro ay iska ilaaween dadkoodii waxgardkoodii iyo dawladoodi ay u codeeyaan.waa dhalinyaro ay ku qasbeen umadoodii inay doorbidaan inatay dalkoodii iyo dadkoodiibaa ka hayaamaan dhulal shisheeye door moodaan qayba ka mid ah ay badaha ku leedaan halka qayba kalena ay qaxootiyo ka noqdaan wadamada reer galbeedka.,………………..La soco qaybaha danbe

Exit mobile version