WAJAALE NEWS

Ciidamadda Badda Ee Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay 235 Mujaajiriin Oo Ay Ku Jiraan Tahriibayaal Soomaali Ahi

Italy-(wajaalenews)- Muhaajiriintan oo ay ku jiraan tahriibayaal aad u tiro badan oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo

Italy-(wajaalenews)- Ciidamadda Illaaladda badda ee dalka Talyaaniga ayaa ka soo samo-ta-bixiyay xeebaha biyaha badda ee Jasiiradda Sicily muhaajiriin tahriibayaal ah oo tiradooda lagu qiyaasay 235 qof oo ay dhalashadioodu ka soo kala jeedo wadamadda Soomaaliya, Mali, Eritrea, Zambia, iyo Pakistan.

Muhaajiriintan oo ay ku jiraan tahriibayaal aad u tiro badan oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo kicitimeen xeebaha badda ee dalka Libiya,, kuwaas oo la sheegay in ay gurmad badbaado ah ay u fidiyeen ciidamadda Badda ee Talyaanigu kaddib markii doontii ay ku safrayeen ay kula xumaatay xeebaha jasiiraddaas, waxaana muhaajiriintan la geeyay xeryaha loogu tallogalay dadka soo galootiga ah ee ku yaala xeebaha Talyaaniga.

Warku ma uu sheegiin inta ay dhan tahay tirada tahriibayaasha Soomaalida
ah ee ku jira muhaajiriintan la soo badbaadiyay iyo magacyadooda toona.

Maaha markii u horeeyay ee ay ciidanadda badda ee Talyaanigu ay soo badbaadiyaan dad muhaajiriin ah, balse waxa hore loo samatabixiyay nolosha dad tahriibayaal ah oo u badan Soomaali, halka ay muddooyinkii u danbeeyayna ay ku naf waayeen baddaha muhaajiriin aad u tiro badan oo isku dayaayay in ay soo galaan dalalka Europe si ay u helaan nolol iyo mustaqbal nololeed oo dhaama ta ay ka soo carareen.

wajaalenews desk

 

Exit mobile version