WAJAALE NEWS

Ceebaha Dul Hoganaya Maxkamada Racfaanka G.Maroodi Jeex Iyo Danbiilayaal Xukun Lagu Riday Oo Ay Siidaysay Oo Dilal Gaystay.

Hargeysa,(wajaalenews) -Ugu Yaraan laba Nin oo Iskuday Dil ku eedaysnaa islamarkaana maxkamada Gobolka Hargeysi xukuno kala duwan ku riday ayaa la sheegay inay maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex ay siidaysay,labadaa nin ayaa la sheegay sidayntooda kadib todobaad kudihii inay  ku kaceen falal dil ah,oo ay u gaysteen isla shaqsiyaadkii markii hore garsoorka uga soo dacwooday inay fal dil ah ugu soo hanjabeen, arintaasi ayaa daaha ka fayday cadaalada daro xaga garsoorka ah oo ka jirta maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex,waxaana falalkaa foosha xun kadib dacwad ka dhan ah Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex loo gudbiyay gudida sare ee Cadaalada Somaliland oo ka go’aan gaadha khaladaadka garsoor ee wadanka ka dhaca.

Arintan ayaa dhacday dhamaadkii sanadkii tagay ee 2013kii,Hadaba markii  maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ay xukun kala duwan ku riday labada nin ayaa la sheegay inay xukunkaa ka qaateen Racfaan. Maxkamada Racfaanka ayaa la sheegay inay xukunkii hore ee ku dhacay labadaa nin ka khafiifisay,balse iyagoon xukunkaa Racfaanka dhamaysan ayaa lagu sii daayay amar ay maxkamada Racfaanku bixisay. Mudo laba cisho ah kadib ayay labadii nin wakhtiyo kala duwan dilal u soo gaysteen muwaadiniintii markii hore garsoorka uga soo dacwooday,dhacdadan ayaa saamayn mug leh ku yeelatay garsoorka Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa,waxaana dacwada arintani islamarkiiba loo gudbiyay gudida sare ee Cadaadalada Somaliland,waxaana mudooyinkanba loo dhegtaagayay go’aan ay gudida Cadaaladu ka soo saarto sal fudaydkaa ay ku kacday maxkamada Racfaanku ee ay ku sii daysay danbiilayaal loo haysto iskuday dil.

Gudida Sare ee cadaalada Somaliland ayaa ku guul daraystay inay go,aan ka soo saaraan dacwadaha foosha xun ee mudooyinkan danbe ka soo ifbaxay garsoorka maxkamadaha dalka,waxaana laga boqo qabaa in garsoor xumada ragaadisay maxkamaduhu abuurto kacdoon dad weyne,madaama oo ay ka garsooraan fal danbiyeedyo ka dhex dhaca muwaadiniin kala duwan oo meel wada degan.arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Md Cali waran Cade ku dhawaaqay in garsoorkii dalku meel xun marayo,isagoo farta ku fiiqay inay arintani sabab u tahay garsoorayaasha maxkamadaha oo laaluush ku qaata kiisaska  soo gaadha maxkamadah,isagoo sheegay hadii wax laga qaban waayo inay garsoor xumadu keeni doonto cawaaqib xun oo daawaynteeda meel fog loo doono

 

XIGASHO FOORE

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version