WAJAALE NEWS

Caynaba: Xuska Dhalashada Nebiga(NNKH) Oo La Horjoogsaday Qabashadiisa Iyo Khilaaf Diimeed Oo Ka Aloosan Deegaankaasi

CAYNABA( wajaalenews)Wararka kazoo baxaya magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar ayaa sheegaya in khilaaf xoogan oo soo noqnoqanayay mudooyinkii u danbeeyey markale ka soo dhex cusboonaaday culimada diinta eek u dhaqan deegaankaasi kuwaasi oo kala aaminsan mad-hab kala duwan waxaana la tibaaxay in ilaa 6 cisho oo ka horaysay maalinta 12aad ee ku beegan dhalashada Nebigeeni Maxamed CWS ayey bilaabeen culimada masaajida caynaba iyagoo xaaraantimaynaya naqdinya shirkina  ku sheegaya mowliidka iyo cida xustaba hadaba Waxaan la xidhiidhnay qaar ka mid ah culimadii qabanqaabinayay xuska mawliidka nebiga ee laga horjoogsaday oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Ciise waxaana ay yidhaahdeen iyagoo arimahaasi ka hadlaya “  dadkaasi waa niman caynaba culimo u sheegta isku xidhan aan u ogolaan magaalada in dad caalima oo suniya uu soo galo waxay haystaan madaarista waxay haystaan iskuulada waxay haytaan ganacsatada waxay dadka u sheegaan inay yihiin culimada magaalada cidkale aanay wax ka wacdiyi karin dhaxli karin sooba geli karin tiraba ilaa 2 wedaad oo suniya ayaa laga eryey magaalada iyagoo u hanjebay haduu waxay doonayaan ay samayn waayaan inay ka baxayaan” Ayuu yidhi Sh Maxamed Ciise Oo ka hadlayay sida looga horjoogsaday xuskaas dalka oo dhan laga xusay

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay siyaabaha arintan wax uga jiraan iyo baaqa uu u dirayo xukuumada maadaama dalka gudihiisa laga xusay mawliidkii nebiga csw waxaana uu yidhi isagoo markale arimahaasi ka hadlaya “ugu danbayntii sidii ayey kaga baxeen magaalada sababaha ay culimada suniga u eryaan waxaa ugu wayn iyagoon cilmi badan lahayn iyo iaygoo xejisanaya caqiidooda si aan dadwaynuhu u fahmin cid kasta oo maamulka ah waxay ku qasbaan inaanay lala hadli karin la xidhi karin wax kasta haday sameeyaan mar marka qaarkood waxay isticmaalaan fun si ay arimahoodu ugu suuro gasho

Hadaba iyadoo culimadan hore looga horjoogsaday inay madarasad quraan ka furan magaalada caynaba si ay caruurtooda wax u baraan ayaa ay sheegeen culimadani in maantana loogu daray sidii looga horjoogsan lahaa xuska mawliidka nebiga oo ku beegnayd dhalashadiisa maalintii 12aad waxaana uu yidhi maxamed ciise isagoo ka hadlaya mar kale “   waxaa markhaati ka ah in habeenkii 12adka ee dhalashada rasuulku cswlm ku aadanaa aan meel qudha laga xusin masaajid qudhina soo hadal qaaadin halka dalka intiisa kale laga xusaayey hadaba maxay noqonaysaa inay hanjebaadoodii dhabawday oo aan meelna laga xusin magaalada caynaba mowliidka  halka madaxweynaha soomaali land mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu amar ku bixiyey in la xuso oo la wayneeyo mowliida nebigeena scwslm”

Ugu danbayntii  Khilaafkan ayaa sababaya iskudhac diimeed hadii aanay xukuumada Somaliland si degdeg ah wax uga qaban kaasi oo ka dhex aloosmi doona culimada walaalaha ee wada dega magaalada caynaba mana jirto ilaa iyo hada talaabo ay ka qaadeen maamulka gobolka saraar oo ku aadan kala dhex galka wadaadadan waxaana ay sidoo kale culimadan baaqa soo saartay ee sida rasmi ah looga horjoogsaday xuska dhalashada nebiga nnkh waxaa ay digniin iyo baaq kama danbays ah u direen xukuumada Somaliland iyo wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland oo iyadu gabtay shaqadeedii waxaana ay yidhaahdeen iyagoo ka hadlaya arinkaasi “waxaan usoo jeedinaynaa madaxwaynaha wasiirka arimaha gudaha ee jsland  Iyo wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland annagoo ah qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada caynaba in arinkaas dalka iyo diintaba ku khaldan si degdeg ah wax looga qabto,hadii kale ay ka iman karto inay gaadho meel aan laga soo qaban Karin maadaama dhinac gaar ahi diinta ka dhex wado Fowdo iyo Qas Joogto Ah”.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

xigasho wargayska xogogaal news paper

Exit mobile version