War ka soo baxay xafiiska howlgalka maraakiibta Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markabkan oo nooca xamuulka qaada ah lagu weeraray meel ka fog halka ay ciidamadaas howl-galka u joogaan kana tirsan badda cas.
Afhayeen u hadashay (EU NAVOR) oo lagu magacaabo Jacqueline Sherriff ayaa sheegtay in dadaal badan lagu bixin doono sidii markabkaabkaas iyo shaqaalaha saaran ay xoriyadooda dib ugu heli lahaayeen maalmaha soo socda.
Waxa ay wararku intaasi ku darayaan in bad-maxiin u kala dhashay dalalka Hindiya, Masar iyo waliba Suuriya oon tiradooda la cayimini saaranyihiin markabkan, waxaana sanadkii 2011 uu ka bad-baaday isku day afduub oo burcaddu ay doonayeen inay ku qafaashaan.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane