WAJAALE NEWS

XUSBIGA KULMIYE OO MAANTA GUDIDII QABANQAABADA KU HESHIIYAY XILI MUDADII SHIRKA LABA CISHO KA HADHAY

HARGEISA (WAJAALENEWS) Xusbi xaakimka talada dalka haya ee kulmiye ayaa mudo waxaa ka dhextaagnaa muran kusaabsan hogaanka gudida qabanqaabada shir waynaha xusbiga oo lafilayay inuu qabsoomo 25.12.2013 oo ah laba cisho kadib

Hadaba muran xoogan oo mudo socday, iyo gudida qayb kamida oo hore hogaan u doortay, kadib ayaa saaka xubnihii qaban qaabada oo dhan dood iyo falaqayn dhexmartay kadib waxay doorteen amaba sharciyadeeyeen mid kamida gudidii is dooratay inuu noqdo gudoomiyaha sharciga ah ee gudida qabanqaabada shirwaynaha kulmiye.

Masuuliyiinta ladoortay ayaa waxay kala yihiin

  1. Abubakar xaamud jibriil  gudoomiye
  2. Xasan mawliid axmed     gudomikuxigeen
  3. Axmed cali maxamuud   xoghayaha gudidda qabanqaabada

 

Arinta ayaa waxay soo af jaraysaa moran mudo kala fogeeyay hogaanka xusbiga iyo gudida qabanqaabada taasi oo sobobtay in mudo xiligii shirka kahadhsan tahay laba cisho in morankii soo gabo gaboobo

Dadka indha indheeya siyaasada kulmiye ayaa ku tilmaamay in kulmiye dhibta haysataa ay lamid tahay uun tahaysata xukunka siilaanyo oo sobabtay in dalkiiba madaxa isla wada galay, meelkastana ay ishaystaan masuuliyiintii u kala sareeyay masuuliyadaha wasaarada, waxaa is haysta agaasimihii, wasirkiisii ayay isla ildaran yihiin,taliyihii abaanduulihiisi ayay isla ildaran yihiin,gudomiyihii golaha wakiilada kuxigenadiisii ayay isla ildaran yihiin,badhasaabyadii mayiradii ayay kala lushaan.

Isku soo wadaduuboo xukuumada siilaanyo ayaa ah mid iyadu moranka iyo ishaysiga kuna fista waana tagayaysiisay in xusbigeedii qabsan kari waayo shirwaynihii ay u balan sanaayeen

 

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version