WAJAALE NEWS

Xubnaha Mudan ee Xaqsoor ee Kuwo kale ay kaga yimaadeen Gafafku, Waxa Aan Ka Siinayaa Xaal??Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor

Qolyahaas warkooda ma wada hayo, qaarkoodna wali maanu kulmin, laakiin marka aan xog-ogaal buuxa aan noqdo ayuun baan wax ka odhan karaa hadii alle idmo

Hargeysa (Wajaale-News) – Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa raali gelin ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xubno Urur Siyaasadeedkaasi ka tirsan oo ay qoloba kuwa kale ku duraysay.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay in urur Siyaasadeedka Xaqsoor oo ay hore guddida Doorashooyinka Somaliland u cadeeyeen in uu ku hadhay Tartanka Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Sanadkii hore Dabayaaqadiisii ay ka dhacday Dalku uu sii jiri doono.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa dhinaca kale ka gaabsaday in uu ka hadlo xubno la sheegay in ay ku biirayaan Xisbiga Tallada Dalka Haya ee Kulmiye.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Mar uu goor dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramayay Shabkada Caalamiga ah ee Wajaalenews, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan

“Waxa Maalmahan Dambe Warbaahinta ay xubno ka tirsan Xaqsoor isweydaarsadeen hadalo, erayo ku soo baxay Wargeysyada waan arkay, laakiin kuwo kale oo ka baxay Telefishanka waxa iiga waramay Rag looga qaateen ah, hore ugumaan talin iminkana ku talin maayo in xubnihii ugu Mudnaa Xaqsoor ee Hormuudka ahaa ay warbaahinta ku wada hadlaan.

Waa xaaraan in xubnaha xaqsoor ay Saxaafada isu mariyaan, iyada oo la tix gelinayo wixii jiray shalay iyo waxa jiri kara Berrito, aduunku maanta uun maaha.

Xubnaha Mudan ee Xaqsoor ee Kuwo kale ay kaga yimaadeen Gafafku, waxa aan ka siinayaa xaal, waxaanan ku guubaabinayaa in ka roonaadaa ee dul qaataa uu isagu mudan yahay” ayuu yidhi.

Mar aanu waydiinay bal waxa uga meel yaala Xubno la sheegay in ay isu diyaarinayaan sidii ay ugu biiri lahaayeen Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye waxa uu yidhi “Qolyahaas warkooda ma wada hayo, qaarkoodna wali maanu kulmin, laakiin marka aan xog-ogaal buuxa aan noqdo ayuun baan wax ka odhan karaa hadii alle idmo” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa aanu weydiinay bal waxa ay ugu taliyeen Urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ay guddida Doorashooyinku sheegeen in uu ku hadhay tartankii Doorashooyinka Golaha Deegaanka, waxa uu yidhi “Waxa aanu ugu talinay xaqsoor cadaalad darro xun baa ku dhacday, waa la boobay, taasna meelo badan ayaanu ka sheegnay oo laga og yahay.

Markaa wakhtigan xaadirka ah iyada oo ay xaaladu is-bedesho mooyaane in uu ururku sidiisii uu jiro ayaanu door bidnay guud ahaan.

Way dhacaysaayoo waanu ku xisaabtaymaynaa in xubno ka mid ah ururku dee xisbiyada la leeyahay way soo baxee kala galaan dabiici weeyaan, laakiin asal ahaan markii aanu ka wada tashanay waxyaabahaa waxa uu go´aankayagu noqday in uu sidiisii hore u sii jiro ilaa xaaladu ay isbedelayso oo dabadeed ay duruuf cusubi imanayso oo lagu go´aan qaataa hadii alle idmo” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version