WAJAALE NEWS

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Adag Uga Hor Yimid Xad Gudubyada Ka Dhanka Xuquuqal Iinsaanka Ee Ka Dhaca Somaliland

Hargeysa(WAJAALENEWS):-xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag u difaacay madax banaanida saxaafada Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maanta ka qayb galay munaasibadan balaadhan oo lagu xusayey maalinta xuquuqal iinsaanka aduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa  ayaa waxa uu sheegay inay garab taagan yihiin madax banaanidaa saxaafada iyo sidii loo tir tiri lahaa wax kasta oo ka soo hor jeeda xuquuqda bina aadanka.> 

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay inay barbar taagan yihiin guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland waxaanu tilmaanay inay kala shaqayn doonaa sidii wax looga qaban lahaa xad gudubyad ka dhanka ah xuquuqda bina aadanka sida kufsiga loo gaysto hablaha waxaana hadaladisii ka mid ahaa ?saxaafadu waa xor laakiin mid ayaa laydinka rabaa in wixii danbi leh laydinku qaado, haddii aynu kala xishoono oo sharciga lala kala xishoodo oo aynu ku kala baqano oo aynu isku ixtiraamno oo aynu is nidhaahdo shaqo ayaa laga eryayaa oo aynu danteena eegano oo aynu noqono danlay walaahi inaanu dalkani horu marayn,anigu waxaan balan ku qaadayaa inaanu la shaqayn doono hay?adda xuquuqal iinsaanka qaranka,waxaan balan idiinku qaadayaa in laga caago kufsiga?ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xuska maalinta xuquuqal iinsaanka aduunka ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay xukuumada Somaliland qaaday talaabooyin badan oo ka dhan ah xuquuqda bina aadanka sida xadhig loo gaystay weriyayaal ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan, iyada oo dhawaana  wafti ka socda xisbiga mucaaridka ah eee Ucid laga hor istaagay inay galaan gobolka Gebilay falkaas oo ka hor imanaya xuquuqda uu qofka u leeyahay dhaq

dhaqaaqiisa

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

CONTACT; WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version