WAJAALE NEWS

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Maanta Soo Xidhay Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayey Kor U Qaadida Iyo Ka Faa,iidaysiga Xog Ururinta Qaranka.

wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa maanta soo xidhay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey kor u qaadida iyo ka faa,iidaysiga xog ururinta qaran.

 

Hargeysa(wajaalenews):-wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire  ayaa maanta soo xidhay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey kor u qaadida iyo ka faa,iidaysiga xog ururinta qaran.

Kulankan uu maanta oo gabagabeyey wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland ayaa waxa suu socday mudo sadex cisho ah  kaas oo lagu lafa gurayey ka faa,iidaysiga xog ururinta qaran ee ay wado wasaaradaasi.

Ugu horayna wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cal
Shire oo ka hadlay kulankan ayaa ka waramay sida loogu baahan yahay in  la helo xog ururin qaran waxaanu yidhi ?xogta loo baahan yahay inaga ayaa ururin karna oo noqon kara meeshii laga helayey xogta ee lagu soo hiranayey taasna waan idinla socodsiinayey, waxa kale oo aynu u baahanay xog ururintaas aynu samaynay cilmi baadhisteed inaynu hir gelino oo  aynu wixii ka soo baxa la qaybsano dadka kale,waxaanan ku talinayaa inaynu xidhiidh la samayno ururada kale ee ku jira xog diwaanka gelinta inaga oo kaga bilaabayn jaarkeen.? Ayuu yidhi wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire.

Sidoo kale  guddoomiyaha jaamacada Hargeysa iyo hormoodka kuliyada Statistics-ka ee jaamacada Hargeysa oo iyaguna xidhitaanka kulankan ka hadlay ayaa ka waramay doorka ay ku leeyihiin kulan lagu gorfaynayey xog ururinta qaranka

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version